Madaxweynaha Dawlada Degaanka Somalida oo Habayo u Diray Shacabka Somalida Ethiopia.

 

Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar, ayaa hambalyo ku aadan Ciida Carafo u diray shacabka Somalida Ethiopia meel kasta oo ay joogaan iyo guud ahaan shacabka Ethiopia ee u dabaal dagaya farxada ciida carafo.

Madaxweynaha ayaa Eebe uga baryey ummada Somalida Ethiopia dambi dhaaf iyo caafimaad bishan bisheeda, waxaa kale oo uu uguna bishaareeyey munaasabada Ciida Carafo darteed farxad.

Madaxweynaha ayaa ummada ugu baaqay dadweynaha Somalida Ethiopia in ay u jeedsadaan tacab iyo tacliin si ay uga baxaan cidhiidhiga dhaqaale iyo jahliga. Iyo in ay xoojiyaan nabad galiyada difaacaana dalkooda hooyo.

rasaasa.com