Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud: dadka Somaliyeed meel ay dagaanba waxaan kula dardaarmayaa in ay u diyaar garoobaan xuska maalinta June 26, 1960.

 

rasaasa1Muqdishu, June 23, 2014 – Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalayey bandhig dhaqameed habeenkii Axada lagu qabtay magaalada Muqdishu, ayaa ka dardaarmay bisha Ramadaan iyo xuska maalinta 26-ka June.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud, ayaa yidhi umada waliba waxay leedahay maalmo xusuus u leh taariikhdood, ummada Somaliyeedna meel kasta oo ay degan tahay ma iloobayaan taariikhda ay leeyihiin.

Xasan Sheekh oo ah siyaasi qunyar socod ah, oo aan cadayn hadafkiisa siyaasadeed, ayaa hadalkiisani muujinayaa aaminsanaanta midnimada Somaliyeed meel ay joogtaba.

Hadalka uu xalay madaxwayne Xasan ka jeediyey Muqdisho ayay soo dhaweeyeen dad badan oo Somali ah, oo jecel midnimada Somalida, kuwa kalena ay ka xumaadeen hadalkaas.