Madaxwaynaha Kenya oo ka Qayb Galaya Shirka London

 

Addis Ababa,  May 03, 2013 – Madaxweynaha dalka Kenya ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya,kadib markii casuumaad uu ka helay Xafiiska guud ee laga hago Arrimaha siyaasadda Dibadda ee dowladda Britain, si uu uga qeyb galo shirkaasi.

“Waxaan Casuumaad u dirnay Madaxweynaha dalka Kenya si uu uga qeyb galo shirka London ee looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya “ ayuu sheagay sargaal ka tirsan dhinaca siyaasadda u qaabilsan Arrimaha dibadda dowlada Britain Simon Gass .

Shirkaasi looga hadlaayo arrimaha Soomaliya ayaa 7da Bisha May ka furmi doono Magaalada Landon ee xarunta dalka Britain,iyadoo ay ka soo qeyb gali doonaan wakiillo ka socdo Beesha caalamka gaar ahaan UN-ka iyo  Urur Goboleedka  IGAD .

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galayo shirkii ugu horeeyay ee heer caalami ah  tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada dalka Kenya.