Madaxwaynaha Degaanka oo Safaarada Kula Kulmay Qaar ka Mida Taageerayaashiisa.

 

aaanogob.000Qaar ka mid ah dibad-joogta taageersan maamulka degaanka Somalida Atobiya, ayaa maanta kula kulmay madaxwaynaha degaanka Somalida dhismaha safaarada Atoobiya ay ku leedahay magaalada London.

Warkan ayaan ka soo xiganay bogga cakaara ee ku hadla codka dawlada degaanka. Wargaysku waxaa uu sheegay in dibad-joogta iyo madaxwaynuhu ka wada hadleen shaxda qaabilaada qabiilooyinka Somalida. Kulamada beelaha Somalida waxaa raaci doona, kulan balaadhan oo loo qabanayo Somalida si ay ugu yaboohaan deeqo lacageed biyo xidheenka Atoobiya.

Beelaha Somalida ayaa sanooyinkan dambe muujiyey deeqsinimo hagar la,aan ah, si wanaagsana uga qayb galay dhismaha biyo xidheenka Atoobiya.

Haatana waxaa looga fadhiyaa in ay bixiyaan hanti ka badan tii ay hore u bixin jireen.