Madaxwaynaha Dawlada Degaanka Somalida Ethiopia Tariikhda Ayaa Xusi Doonta

 

Shaki kuma jiro in madaxweynaha dawlada degaanka Somalida Ethiopia aad u nasiib badan yahay, waxqabadkiisa aan hagarta lahayna taariikhda ayaa xusi doonta. Qalinkii  Abdirizak Budul.

Ilaa iyo maalintii uu qabtay Hogaanka amaanka degaanka soomalida Ethiopia, iyo hada oo uu madaxwayne ka yahay deegaanka somaalida Abdi Maxamud Cumar waxaan indhaheena ku arki karnaa isbadal dheer.  Markaan dib u eegno madaxdii Abdi Maxamud Cumar ka horaysay, waxay caan ku ahaayeen qabyaalada, musuq maasuqa, iyo karti laan.  Madaxawaynayaashii ka horeeyay Abdi Mahamud wax muuqda oo ay qabteen la ma garan karo, waxayna waqtigoodii ku dhamaysan jireen is qabqabsi.   Wax shaqo ah degaanka lagama qaban jirin intii ka horaysay madaxwayne Abdi Maxamud Cumar.

Marka aan eegno inta uu xilka qabtay Mudane Abdi Mahamud Cumar, wuxuu keenay maskax tii hore ka duwan oo ah in nin walba oo masuul lala xisaabtamo, lagulana xisaabtamo shaqadiisa.  Waxaa jiri jirtay intii ka horeysay Madaxwayne Abdi in Madaxda sagaalka gobol ee deegaanka aynan dhaafi jirin JIGJIGA oo aynan tagi jirin meeshii ay madaxda ka ahaayeen, shaqo ay qabtaan iska daaye.  Xaakumada hada taas way badashay gudoomiye walba, iyo wasiir walba wuxuu ka shaqaqeeyaa howshii iyo shaqadiisii shacabku ka sugayay.  Shaqsi walba oo deegaanka ka shaqeeya waa la la xisaabtamaa.  Taas waxay keeni kartaa horumar dag dag ah, waana mid lagu faano. Taasna waxaa keenay Mudane Abdi Mahamud Cumar.

Waxaa kale oo wadankii ka hirgalay dib u dhis badan iyo maalgashi farabadan oo ah kii soo mara deegaanka.  Waxaa khaastan ka muuqda dismayaal cusub oo indhaha lagu diirsan karo.  Waxaa kale oo kajira in ay kusii qulqulayaan qurbajoog u dhalatay deegaanka oo fahmay in wadankooda hooyo u baahan yahay horumar.  Waxa uu madaxwaynuhu amar ku bixiyay in la dadajiyo horumarka deegaanka dhamaantiis.  Maanta waxaa jira, Jidka dheer ee isku xidha JigJiga iyo Dhagaxbuur iyo Qabdahar Iyo Goday.  Waxaa isga gooshi baabuurta noocyadooda kala duwan sida; baabuurta dadka qaada, kuwa xamuulka qaada iyo gaadiid kale oo badan.  Waa ilaahay mahadii.  Waxaa kale oo ka hirgalay deegaank inta uu Abdi Maxamud Cumar talada qabtay in aad diyaarada waqtiga aad doonto uraaci karto JigJiga, Qabdahar, Goday oo maalin walba la helo.  Waan in lagu diirsado isbadalka ka jira wadankii hooyo oo aan horey uga jiri jirin.  Waxaa kale oo sii dheer in meelo  farabadan insha allahu mar dhow laggaga hadli doona telephoonka gacanta (mobileka) oo gaari doono meel kasta oo ka mida deegaanka.

Madaxwayne Abdi Mahamud Cumar Wuxuu noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee qurba joogta u dhalatay deegaanka gacanta ugaliyay taladii deegaanka oo wafti uu hogaaminayo ku yimid dibadaha dhowr jeer.  Waxaa uu furay albaabka qurb joogta oo wixii asaga ka horeeyay xirnaa.

Abdi Maxamud Cumar waxaa uu badalay fikirkii siyaasadeed ee qurba joogta u dhalatay deegaanka kana dhaadhiciyay in ay xor u yihiin wadankooda hooyo oo aan awal ku ekayd oo kaliya deegaanka oo kaliya.  Wuxuu caalamka tusay in deegaanka Somalidu yahay deegaanka la maalgashan karo, laguna noolaan karo.

Midaas isbadalka siyaasadeed waxay keentay in caalamku soo booqdo deegaanka sida hayadaha caalimiga, dawladaha, safaaradaha, siyaasiyiinta, khaastan safiirka maraykanka ayy booqasho ku tagay jigjiga ilaa iyo Goday oo indhiisa ku soo arkay isbadalka ka jira deegaanka.

Mida Jaaliyaadka, waxay balan qaadeen oo u sheegeen in ay madaxwaynaha iyo dhamaan xukuumadiisa ay hiil iyo hooba la hortaagan yihiin kuna noqonayaan wadankii sida u dhaqsaha badan oo aan aragno hada.

Madaxwayne Abdi Maxamud Cumar waxa uu wax ka badalay dhinica xuduuda deegaanku la wadaago Jumuuriyada Somaliya, taas oo markii hore iska dayacnayd oo cidii rabta ay iska soo gali jirtay waxa ay doonta ka samayn jirtay.  Maanta taasi ma jirto, xuduudada deegaanka waxaa hantay wiilal u dhashay deegaanka oo la yiraahdo ciidaamada qaranka  LIYUU BOOLISKA.

Run ahaantiina, wax ka badashay nabadgaliyada deegaaanka.  Waxaa intaa sii dheer, oo uu badalay Madaxwayne Abdi Mahamud Cumar qaabka ay Ethiopia ula shaqayn jirtay gabalada dariska ee Punland iyo Soomaliland oo marka ay deegaanka ka rabaan wax ka way diin jiray Federaalka, balse manta ay marayaan dawlada deegaanka.

Waxaa kale oo la odhan karaa Abdi Mahamud Cumar waxa uu dhinica tariikhda deegaanka ka galay durba meel aad u saraysa mudo laba sano gudahood ah.  Wuxuu kala shaqeeyay ururadii naba ku dhawaaqay in deegaanka lagu soo dabaalo nabad waarta.

Mida kale waxaan horey u dhicin in ciidankii ONLF ee la dagaalamayay Ethiopia iyo degaanka ay manta ka shaqaynayaan horumarka iyo nabadgalada deegaanka.  Dhinicyada kale ee loogu mahad celin doonu madaxwayne Abdi Mahumud Cumar waxay noqon doonaan ciidamada qaranka ee LIYUU BOOLISKA hirgalay manta hantiyayna nabadgalayada deegaanka kana difaacaya cadowga.

Ugu danbayntii waxaa jira oo hirgalayay in Madaxwaynaha Deegaanka Somalida Ethiopia Abdi Mahamud Cumar uu soo magacaaabay lix Qunsul oo leeyahay deegaanka u fidhiyi doona saafarada Ethiopia, taas oo aan horay u jirin.  Midaas marka waxay kuu xaqiijinaysaa in uu la damacsan yahay deegaanka wax aad uga sii balaaran tan uu hada qabtay.

 

Abdirizak Budul