Madaxeynaha Awdal State oo ku Wajahan Degmada Baki

 

Borama, Janaury 23, 2012 [ras] – Wararka ka imanaya magaalada Boorama ayaa sheegaya in Madaxweynaha  Awdal State Rashiid Aw Diini Xirsi uu ku wajahan yahay magaalada Baki todobaadkan dhexdiisa.

Madaxweyne Rashiid ayaa 23/01/2012 bishan soo gaadhay xarunta dawlada degaanka Somalida Ethiopia ee Jijiga, isaga oo halkaas wadahadal kula leh madaxda dawlada degaanka Somalida Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa hore ula soo kulmay madaxda dawlada federalka Somaliya iyo dadweynaha reer Muqdisho, isaga oo uga waramay xaalada cadaadis iyo ciqaab ee ay ku jiraan dadweynaha reer Awdal State.

Sida la sheegay waxaa Madaxweyne Rashiid Jijiga kula kulmi doonaa dad badan oo reer Awdal Satate ah oo ka soo cararay maamulka Somaliland, kuwaas oo ku sugan degaanka Somalida Ethiopia.

Madaxweyne Rashiid oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan baarlamanka dawlada federalka Somaliya, ayaa u kicitimi doona dhinaca magaalada Baki.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in Jijiga ay ka sii raaci doonaan dad badan oo reer Awdal State ah oo isugu jira ururada bulshada ee reer Adal State.

rasaasa.com