Maamulkii Kismaayo oo Gudi ku Meel Gaadh ah Lagu Wareejiyay

 

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadha xarunta gobolka Jubada hoose ee Kismaayo ayaa waxa ay xaqiijinayaan in maamulkii magaalada si kumeelgaadh ah loogu wareejiyay gudi kumeel gaadh ah oo ka shaqeyn doona sidii maamul cusub loogu sameyn lahaa gobolka jubada hoose gaar ahaan degmada Kismaayo.

Illo xog ogaal ah ayaa sheegay in kulan dhexmaray Amiirka mujaahidiinta gobolada Jubooyinka Sheekh Xasan Turki iyo maamulka xarakada Alshabaab lagu heshiiyay in maamulka magaalada lagu wareejiyo gudi ku meelgaadh ah oo kamadax banaan kooxaha Islaamiyiinta ee isku khilaafsan maamul usameynta degmada Kismaayo.

Gudida kumeel gaadhka ah ee maamulka lagu wareejiyay ayaa qaar kamid ah magacyadooda naloogu sheegay sidan:-

C/raxmaan Macalim

Luqmaan

Sheekh Fuaad Shangool

Sheekh Fidhin

Balli

Waxaanan noo suurta gelin inaan helno magacyada xubnaha kale ee gudida.

Illo wareedyadan noo waramay ayaa shaqada gudigan ku tilmaamtay isu keenida kooxaha Islaamiyiinta ee kawada tirsanaa maamulkii islaamiga ee ka arimin jiray magaalada si ay u wada dhistaan maamul cusub.

Waxay kaloo xogtan tibaaxaysaa in goor dhaw la filayo in kooxaha Islaamiyiinta gogol la isugu wada keeno si ay koox kasta usoo gudbiso 3 xubnood oo umatasha maamul dhisida iyadoo gudida kumeelgaadhka ahna ay goobjoog ka ahaanayaan islamarkaana ay dhex dhexaadin doonaan dhinacyada hadii ay is afgaran waayaan xiliga awood qaybsiga.

Gudidan kumeelgaadhka ah ayaa iyagu isku sheegay inay dhexdhexaad yihiin islamarkaana aysan katirsanayn kooxaha isku haya maamulka degmada Kismaayo.Balse waxaa xusid mudan in magacyada gudidan uu ka dhexmuuqdo Sheekh Fuaad Shangool oo ah Sheekh kamid ah madaxda Ururka Alshabaab.

Sheekh Fuaad oo hada kusugan magaalada Kismaayo ayaa wax laga weydiiyay dhexdhexaadnimadiisa iyadoo lagu yaqaano inuu kamid yahay saraakiisha xarakada Alshaab waxuuna ku jawaabay inuusan wax xil ah ka haynin xarakada Alshabaab sidaa darteedna uu dhexdhexaad u yahay Mujaahidiinta.

Si kastaba ha ahaatee Hadii ay arimuhu sidii loogu tala galay u dhacaan waxay dhawaan magaaladu yeelan doontaa maamul cusub oo la filayo in wajiyo cusub ay kasoo muuqan doonaan.

Wixii faahfaahin ah oo ka soo kordha kala soco rasaas.com