Maamulka Somaliland oo Diray Ciidan iyo Saanad

 

SomalilandJijiga, June 11, 2014 – Maleeshiyaad tira badan oo ka baxay maamulka Somaliland ayaa ka gudbay xadka Atobiya, kuwaas oo ku wajahan magaalada Marka.

Maleeshiyadan oo sida la sheegay xidhan dirayska ciidanka Liyuu Boliiska, ayaa ka talaabay xadka labo maalmood ka hor, waxayna xalay ku hoydeen magaalada Baydhabo. Maleeshiyadan waxaa wata kornayl ka tirsan ciidanka Somaliland, kana soo jeeda Degmada Janaale, ee gabalka Shabeelada Hoose, waxaa magaciisa lagu sheegay Muxyadiin.

Warkan waxaan ka helay xubno ka tirsan ciidanka Liyuu Booliska ee ku sugan degmada Waajid, gabalka Bakool.

Maleeshiyadan waxaa lagu xoojinayaa xasilinta, dagaalada soo noq noqday ee ka jira gabalka Shabeelada Hoose. Kuwaas oo xagal daacinaya qorshaha maamul gabaleedyada ay Atobiya ka wado dalka Somaliya.

Madax ka tirsan maamulka Somaliland oo u nasab sheegta beesha Biyo-maal Direed, ayaa marar badan hadalo xanaf leh warbaahinta u mariyey beesha Hawiye.

Talada Maleeshiyaadka loogu dirayo gabalka Shabeelaha Hoose waxaa u wada jir Atobiya iyo maamulka Somaliland.

Maleeshiyada ka socda maamulka Somalilnad, kolka ay gaadhaan magaalada Marka, waxbadan ayey ka badali doona xaalada siyaasada ee ka jirta dalka Somaliya.