Maamulka Somaliland oo Digniin Culus u Diray Atobiya!

 

rasraasHargeysa, Apr 21, 2014 – Wasiirka arimaha dibada ee maamulka Somaliland, Biix Maxamed Yoonis, oo war murtiyeed u akhriyey barbaahinta, ayaa digiin culus u diray dalalka dariska.

Wasiirka ayaa sheegay in ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan, dalalka dariska ah ee gacma gacmaynta ku haya maamulka Somaliland.

In kasta oo maamulka Somaliland uusan si cad u shaacin dalka uu digiinta u dirayo, ayaan hadana la iska indha tiri karin in digiintu u socoto Atobiya.

Atobiya iyo maamulka Somaliland waxaa baryahan ka dhex jiray khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya shirka Taleex.

Maamulka Somaliland oo ka xun go,aanka Atobiya ayaa aar gudasho jidh dila ugu gaystay magaalada Gabiley labo nin oo ka tirsan sir doonka Atobiya. Maamulka Somaliland ayaa falkaas ka muujiyey “crocodile tear” baroor diiq ay fahamtay Atobiya, taas oo ay ku diiday baroor diiqda madaxwayne xigeenka maamulka Cabdiraxmaan Saylici. Atobiya waxay codsatay in uu Addis Ababa yimaado masuul ka socda beesha dhexe, sidaasna waxaa ku tagay Addis Ababa wasiirka arimaha dibada ee maamulka Biixi Maxamed Yoonis.

Maamulka Somaliland, waxay Taleex u dirtay maleeshiya beeleed ka soo jeeda magaalada Taleex, halkaas oo ay doonayeen in dagaal ka dhaco, laakiin maamulka khaatumo oo ka hortagay dhiig ku daata magaalada ayaa u baneeyey.

Atobiya, waxay u sheegtay maamulka Somaliland in ay shuruud la,aan kaga maxaan magaalada Taleex, maamulka Somaliland deg deg bay uga saartay maleeshiyadii ay u dirtay Taleex.

Maanta waxaa gaadhay magaalada Taleex, wafti balaadhan oo ay soo galbiyeen ciidamada Ismaamulka Somalida Atobiya.

Digniinta war saxaafadeedka maamulka Somaliland ma qarsoona cida ay ulajeedo, laakiin waxay ka gaabsatay in sheegto magaca Atobiya.

Waxaa iswaydiin leh muxuu noqon karaa digniinta maamulka Somaliland u diray Atobiya, intee in la egg bayse waxyeelayn kartaa Atobiya?