Wed. May 25th, 2022

Somali regionJijiga, July 21, 2014 – Xog aan wali la shaacin oo laga soo xigtay maamulka Kilalka, ayaa sheegtay in isku shaandhayn lagu sameeyey qaar ka mida madax Xafiiseedyada iyo ku xigeenada maamulka. Qaar ka mid ah madax xafiiseedyada oo ay gaadhay wareegtada lagu badalay, waxay muujiyeen in ay kadis ku tahay arintu oo ayna filayn xiligan isku badal maadaama uu dhamaad yahay sanadka Atoobiya.

Qaar ka mid ah magacyada laga badalay jagooyinkii ay hore uga hayeen Kilalka waxaa ka mid ah;
1. Cabdi Geedi oo horay u ahaa madaxa xafiiska Dakhliga, waxaa laga dhigay ku xigeenka xafiiska Waxbarashada.
2. Axmad Maxamed Shukri oo horay u ahaa ku xigeenka xafiiska Waxbarashada, waxaa laga dhigay ku xigeenka xafiiska Beeraha.
3. Yaasiin Cumar oo horay u ahaa ku xigeenka xafiiska Beeraha, waxaa laga dhigay madaxa xafiiska Dakhliga.
4. Cabdifataax Sheekh Cali, oo haray u ahaa ku xigeenka Xafiiska Dakhliga, waxaa laga dhigay la taliyaha xafiiska Hawlaha.
5. Guuleed Fool-dheere oo haray u ahaa maareeyaha wakaalada Jiddadka, waxaa laga dhigay madaxa xafiiska Jiddadka.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in ay jiraan masuuliyiin kale oo la isku badalay iyo qaar laga caydhiyey shaqada, kuwaas oo ayna wali gaadhin wareegtadu.

By Rasaas