Maamul Gabaleedka Gal-mudug oo Heshiis Shidaal Baaris ah la Galay Shirkado

 

Muqdisho, Somalia, May 24, 2013 – wariyaha noo jooga magaalada Gaalkacyo ayaa warkan nooga soo diray. Madaxweynaha maamulka gabaleedka Galmudug Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale Qeyb-diid oo maanta Magaalada Gaalkacyo kula hadlayay qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa sheegay in Maamulku uu heshiis la saxiixday Shirkado Shisheeye oo shidaal ka baaraya deegaanada maamulkiisa hoos taga.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa sheegay in dhawaan shirkadahaasi ay hawlahooda ka billaabi doonaan deegaanada Galmudug. Isaga oo tilmaamay in Dawladda Somaliya ay qeybteeda ka qaadan doonto heshiiskaan hadii ay diyaar u tahay.

Hadalka ka soo baxay madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa ku soo beegmaya xilli ay dawlada Somaliya la daalaa dhacayso khilaafka ka dhaxeeya iyada iyo maamulka Jubaland State oo dhawaan la dhisay.

Dawlada Somaliya oo ku jirta arimo beeleed ayaan, iyadu marna ka hadlin maamulada tirada badan ee ka jira dalka Somaliya oo qaarkood ayna haysanin gabalo balse ay ka jiraan degmo iyo wax ka yar.

Hadii ay ku sii socoto dawlada maanta ka jirta Somaliya hanaanka ay rabto in ay dalka ku maamusho waxaa soo bixi doona in sida Somaliland ay go,aan maamul gablaeedyo kale.