Maalintii Saddexaad Mudaharaad Boorama ka Socda

 

Borama, December 10, 2011 [ras] – Shalay ayaa ugu dambaysay saddexdii maalmood ee uu qabtay Suldaanka guud ee Beesha Samaroon Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciilin, in madaxweynaha SNM Siiraanyo waa sida uu yidhiye uu gacanta u soo galiyo dambiilayaashii xasuuqa [jwplayer mediaid=”5535″]ka gaystay Tuulada Seemaal ee degmada Dila, walina ma muuqato wax jawaab ka bixin ah cosiga Suldaanka.

Cuqaasha Samaroon waxay si wada jir ah u diideen in wax xidhiidh ah uu dhexmaro maamulka SNM iyo inta laga fulinayo codsigooda ah in dambeelayaasha xasuuqa gaystay gacanta loo soo galinayo, si sharciga islaamka loo mariyo.

Dhinaca kale magaalada Boorama, waxaa ka socda banaanbaxyo aan kala joogsi lahayn, oo ay dadweynuhu samaynayaan iyaga oo lulaya calanka maamulka cusub ee Awdal State. Waxay dadku gubayaan calanka maamulka SNM iyaga oo ku qaylinaya doonimayno SNM. Maalintii ugu horaysay ee banaanbaxu bilowday booliska ayaa  xabadeeyey shacabka waxaana uu dhaawac gaadhay labo haween ah.

Magaalada Boorama iyo degaanada beesha Samaroon, waxaa ka socda kacdoon shacab oo isku xidhan gude iyo dibadba. Waxaa magaalooyinka gabalka ka socda maamul u samayn hoose oo uu wado maamulka Somaliyeed ee Awdal State.

Waxaa habeenkii xalay ahaa magaalada Borama lagu qabtay dhalinyaro qorya wadata oo ah beesha Isaaqa [somaliland], waxaana haya baa la sheegayaa dhalinyaro beesha Samaroon oo ka amar qaata maamulka Awdal State.

Dhinaca kale, waxaa muuqda in maamulka SNM ay kalsoonidii ka luntay [panic], talaabana uu qaadi la,a yahay, in kasta oo  ay sheegay in Nuux Taani laga qaaday masuuliyaduu u hayey ciidanka SNM, laakiin arinkaas uu beeniyey.

Maamulka Somaliland waxaa uu ku dhisnaa kuna nabad iyo caano maalay maamul beeleed iyo ku dhaqama xeer Somaliga. Sidaas awgeed way adagtahay in nin ay beeli dhawranaysay si sahal loo dhaafiyo booskii uu beesha u joogay. Arinkaas maamulka iyo dawladnimada beeluhuna raali bay ku ahaayeen, in kasta oo ay jireen cabudhin hoose oo ay beelaha qaar tirsanayeen.

“Waa la doogiye yaan la dacaroon.” Waxaa wax laga xumaado ah in maamulkii ka jiray Waqooyi galbeed Somaliya, ayna marna gacan ka gaysan qaboojinta colaadii ka jirtay gabalada koonfureed ee Somaliya,  marka laga reebo dhawaan oo ay qaaraamaad geeyeen Muqdisho iyo xeryaha ay Somalidu u qaxday ee dalka Kenya.

Waxaa dhab ah in dalka Somaliya dagaaladii ugu horeeyey ee lagu rido xukuumadii ugu dambaysay ee Somaliya ay ka bilaabatay gabalada, ayna ugu dambayn doonto nabadayntu gabalada ka fog fog caasimada Somaliya ee Muqdisho.

 

rasaasa.com