Thu. May 19th, 2022

aaaaBus20140123-154428Jijiga, June 28, 2014 – Qurbojoogta maalqabeenka ah, ee u dhashay Ismaamulka Somalida Itobiya [ISI], oo baryahanba ku soo qulqulayey xarunta Ismaamulka Somalida ee Jijiga, ayaa dhaqdhaqaaqooda si xoog leh looga dareemayaa magaalada Jijiga.

Maalqabeen ka mida Qurbojoogta u dhalatay degaanka Somalida Itobiya, oo ka yimid dalka Ingriiska, ayaa dhawaan wuxuu ka furay magaalada Jijiga shirkad gaadiidka dadka qaada ah, oo lagu magacaabo Eagle Express.

Maalqabeenkan ayaa dhawaan dibada ka soo dajiyey lix [6] Bas oo waawayn, kuwaas oo u kala gooshi doona magaalooyinka Addis Ababa-Jijiga iyo Jijiga-Godey.

Gaadiidkan oo lacagta ku baxday lagu qiyaasay USD 2,160,000 una dhiganta [Birr 43,200,000]. Halka Bus wuxuu ugu joogaa maalqabeenka USD 360,000 [Birr 7,200,000].

Xaflada lagu daahfurayey furitaanka shirkada Basaska ee Eagle Express ayaa xalay lagu qabtay magaalada Jijiga. Xaflada furitaanka, waxaa ka soo qaybgalay madaxa Xafiiska gaadiidka iyo ganacsiga mudane Cabdulaahi Yuusuf. Cabdulahi Yuusuf, ayaa ku amaanay maalqabeenka sida kalsoonidu ku jirto ee uu shirkadan ku bilaabay iyo waliba ganacsida kale ee uu ka wado degaanka.

Maalqabeenka ayaa dhinciisa uga mahad celiyey maamulka, soo dhawaynta iyo gacan qabashada la siiyey, isaga oo sheegay in ayna aduunka jirin meel uu sidan ka heli lahaa.

Maalqabeenka oo lagu magacaabo Xuseen Sheekh Ibraahin, waxaa xusid mudan in inta uusan tagin degaanka dhamaadkii 2012, uu Tagsiile ka ahaa London [taxi driver]. Hantiile, Xuseen Sheekh Ibraahin, waa mulkiilaha shirkada Shamiitada siisa maamulka Somaliland.

aaaaBus2Shirkada Eagle Express, ayaa wax wayn ka tari doonta dhinaca safarada dhulka ee degaanka Somalida, iyada waliba abuuri doonta shaqooyin.

By Rasaas