Maadeey Waa Yaabe Horta ma Makanuu Matalaa!

 

Waxaan Ideecadaha marmar ka maqlaa Cabdiraxmaan Maadeey [Jalwo], oo sheegta in uu yahay xoghayaha arimaha dibada ee Jwxo-shiil. Jwxo-shiil, waxaa weeye ninka burburiyey Jabhada wadaniga xoraynta Ogadeeniya [Jwxo], sidaasna ku qaatay naanaysta uu wato.

Cabdiraxmaan Maadeey oo laga maqlay waxaan ahay aas aasayaashii Jwxo, ayaa waxaa laga yaabaan in ay dad badani run u qaataan, oo laga yaabo in ayba kugula doodaan sida loo yidhi been oraday runi ma gaadho.

Cabdiraxmaan sida aan la wada socono waa nin Kenyan ah, Somaliyana waxaa uu u tagay shaqo doonad, sidaas ayuun ku dagay Somaliya.  Maadeey, madaama uu Somaliya ku cusbaa waxay isbarteen dhalinyaro iyana qaxooti ku ahaa Somaliya oo ka tagay Ogadeeniya wayna wada qayili jireen.

Cabdiraxmaan Maadeey, kama qaybgalin kulanka lagu sameeyey ururka ONLF. Sababtuna waxaa weeye wadani ma aha Macanah magaca ururka ayuuna fahmin Maadeey.

Hadii uu Maadeey sheegto in uu yahay mudaawin, waxaa been noqonaya magaca iyo jiritaanka ururka ONLF. Maadeey in uu shaqaalle ka noqdo Ogadeeniya mooyaane sharciga ururka ONLF, ma ogola in Maadeey iyo ruux ka soo jeeda degaanada Somalida xorta ah uu madax ka noqdo Ogadeeniya.

Maadeey, oo uu ku adeegto Jwxo-shiil, waxay meel xun kaga soo hadheen burburinta ururka ONLF, waxay masuul ka yihiin shirqoolka boqolaal halyey oo hogaamin jiray ururka ONLF.

Maadeey, ma tagi karo Ogadeeniya wax kasta oo dhaca, waxaanan la yaabaa kolka ay ideecadaha qaarkood waraystaan ee uu isyidhaahdo sheeg magacyada dhulka. Maadeey waxaa uu yaqaan oo kaliya magacyada magaalooyinka waayeyn oo kaliya sida Jijiga, dhagaxbuur,Qabridahare, Wardheer iyo Godey.

Dadweynaha Somalida Ogadeeniya, ee jecel halganka waxay aad uga cadhoodaan kolka ay maqlaan dad ka beensheegay mabaa,diida ururka ONLF sida Maadeey iyo Jwxo-shiil, oo uusan sharciga ONLF ogolayn waxyaabaha ay sheegtaan.

rasaas.com