Maadeey Maqashaye ma Taqaanaa?

 

Halku dhaga sanadka ee Janan Jwxo-shiil “nabad in ay waligeed Ogadeeniya ka dhacdo ma rabno evil”.  Murtida maanta “Ilahow ceebteena astur hadii ay asturmi waydana ay faag faaganto” murtidan waxay ka timid koonnfur iyo beelaha Somaliyeed ee degan Wallo-weyn, waxaanuna u qaadanay in ay wanaagsan tahay in ruux walba lagula hadlo afka uu garanayo, tanina waxay gaar u tahay Maadeey.

Waxaanu qormada maanta ku soo qaadanaynaa Cabdiraxmaan Maadeey oo lagu naanayso [Abtidoon] iyo bal meesha uu ka soo galay ururka ONLF ee uu sheegto ayaan ku eegaynaa [biography].

Magaca “Maadeey” dad badan baa kolka ay maqlaan waxay is odhanayaan ruuxani wuxuu magacaas kula baxay Katan badni, oo waa dadka Eebahay afka wax ugu shubay ee Erayga ay dhahaanba lagu qoslo. Hadabba sidaas ma ah ee “Maadeey” waa Maxamed oo kaliya, waxaana lagala baxaa magacan dhulka Koonfur iyo Koonfur Galbeed ee Somaliya aadkana loogu yaqaan Wallo-weyn.

Maadeey wuxuu ku dhashay degmada Beled-xaawo ee gabalka Gedo Somaliya sananadkii 1947, kolkii dambena waxay Habartii ula kacday tuulada Mandhera ee ku taal xadka Kenya. Maadey waxaa uu Abtigii waxbarasho ka galiyey degmada Mandhera [Ceel-waaq] ee dalka Kenya, halkaas oo uu ku dhamaystay dugsiga ama fasalka 4aad [intermiate standard].

Maadey Abtigii, waxaa uu noqday askari labo sano ka hor intii uusan Maxamed Siyaad Bari talada Somaliya qabanin. Muddo gaaban ka dibna, waxay u soo guureen magaalada Baydhabo, halkaas oo Maadey isaga oo 19 jir ah uu ka galay dugsiga Sare ee Baydhabo.

Maadeey waxaa uu ahaa Abti koris waana sababta loogu naanayso “Abtidoon”.  Maadeey dhibaato badani waxay ka soo gaadhay ogaansho iyo aragti la,aanta reerka uu yahay maqal mooyee, in kasta oo ay Habratii u sheegtay in uu ka dhashay beelaha ugu badan Somalida. Maadeey Baydhabo intii uu Iskuulka ka dhiganayey waxaa uu arkay dad badan oo ay iskuhayb yihiin, laakiin cidina ma dhihin waan ku garanayaa, waxaana uu iska ahaa nin Mareexaan ah.

Maadey, waxaa loo sheegay in dadkiisu ay si xoog leh u degan yihiin dhulka Somalida Ogadeeniya, gaar ahaana magaalada Qabridahare. Maadey wuxuu tagay magaalada Qabridahare sanadkii 1972-73, isaga oo raadinaya Aabihiis. Runtiina waxaa uu ka waayey wax garta iyo xitaa wax fahmo afka uu ku hadlayo, laakiin ugu dambayntii waa la aqoonsaday.

Maadeey, kolkii la af garan waayey ayaa waxaa loogu yeedha Xaaji Bare Ilaahow kuu naxariiso, oo aqoon badan u lahaa Ogadeenka mudana ku noolaa Afmadow.  Xaaji waxaa uu u sheegay in Aabihii uu degan yahay magaalada Afmadow ee gabalka Jubada hoose, Somaliya.

Maadeey wuxuu aaday Afmadow halkaas oo uu kula kulmay Aabihii isaga oo 26 jir ah, Aabihiis oo runtii ahaa Sheekh caan ah oo degaan ahaan ka soo jeeda degmada Afmadow, waxaa uu ka mid ahaa culimada Somaliyeed ee diinta fidisa, waxaa filyaa diin fidis ay Gedo gaysay.

Maadeey wuxuu ahaa macalin, kolkii dambena wuxuu ka mid noday dadkii shaqooyinkooda ka tagay ee ka faa,iidaystay shaqooyinkii ka furmay Qaxootigii Ogaden ee sanadkii  1978.  Xiligaas wixii ka dambeeyey Maadey waxaa uu noqday nin ku carbismay, la jooga dadka ka soo jeeda gabalka Ogaden, in kasta oo uu mar walba ku xidhnaa dhanka reer Gedoodka.

Maadey waxaa uu ka mid noqday dhalinyaradii ku helay Jamacadaha magacii ardaydii Qaxootiga ahayd ee ka timid gabalka Ogaden, sidaas ayaana uu ku galay kuliyadii macalimiinta Lafoole ee Somaliya, qaybta ganacsiga.

Sanadkii 1980, waxaa uu ku biiray dhaqdhaqaaqii ururkii dhalinyarada Somali galbeed, waxaana uu xubin ka ahaa intii ka horaysay burburkii Somaliya, inta badana waxaa uu la qayili jiray dhalinyarada Qaxootiga ah ee ka shaqaysan jiray Somaliya.

Maadeey kama warhaynin kolkii la aas aasayey ururka ONLF, in kasta oo uu been ku fidiyey Internetka bogga Wikipedia, waayo ururka ONLF, waxaa kaliya oo uu u furaa xiligaas dadka ka soo jeeda gabalka Ogaden ee qabiilka Ogadeenka ah, dadka kale waa laga qarin jiray in ay Ogaadaan.

Dabayaaqadii sanadkii 1986, ayey dhalinyaradii ONLF dhaheen war ninkani waa inagu maran yahay cid kalana saaxiib lama ah, waana nin Ogadeen ah, aynu u sheegno oo aan xubin ka dhigno. Sidaas ayuuna xubin uga noqday ururkii ONLF, sanadkii 1986.

Maadey, waxaa uu ka mid yahay dadka ku jahawareeray magaca Ogaden, waxaana uu noqday nin jecel waxwalba oo la samaynayo in uu ku jiro si ayna shaki u galin ahaanshiisa reerku.

Sanadkii 1988, Maadeey waxaa uu ka mid noqday urur mucaarad ah oo ka dagaalamay koonfurta Somaliya oo la odhan jiray Somali Partiotic Movement [SPM], kaas oo uu ka tirsanaa mudo. Maadey waxaa uu ahaa ninka wax u qora ama u turjuma madaxda ururka SPM, madaama uu afka Ingriiska Ceel-waaq ku bartay.

Sanadkii 1993, waxaa uu ku noqday Magaalada Muqdisho xili uu dhexmatay wada shaqayn ururadii USC iyo SPM,  waxaana uu xubin ka noday ururukii SNA. Maadey waxaa uu noday Wakiilka Maxamed Faarax Caydiid u fadhiya Addis Ababa.

Dabayaaqadii sanakii 1993, ayuu Maadey kacdoon socday oo ONLF ahaa, uu yidhi idinla la lug, sidaasi ayuu ku dhex oraday, mase jirin wax shaqo ah ama masuuliyad ah oo uu ururuka u qabtay, qadow wax waydaarsan.

Caydiid ayaa la soo xidhiidhay oo yidhi aaway shaqadii, kolkaas ayuu yidhi “halkan waxba kama socdo,” wuxuuna caydiid u sheegay in uu mar labaad wakiil uga noqdo Hargaysa bilowgii sanakii 1994.

Maadey waxaa uu fariin u soo dirsaday xubno ONLF ah, wuxuuna sheegay in uu Hargaysa ku banjaran yahay, waxaa Hargeysa ka soo kaxeeyey Cabdulahi Qaaje.

Maadey kolkii uu in yar joogay Gari-go,an ee uu xumaaday khilaafkii u dhaxeeyey Itobiya iyo ONLF, ayuu sheegtay xanuunka cagaarshowga. Waxaana vissa u xareeyey isaga iyo Professor Nabilyoon [napilion], Salaxudiin Cabdiraxmaan, waxayna yimaadeen dalka Jarmalka ka gadaalna dalka Ingriiska, waxyna dib ugu noqdeen Ogadeeniya.

Muddo gaaban ka dib Maadeey waxaa uu sheegtay xanuunkii wuxuuna yidhi in aan dibad tago oo aan daawo fiican helo ayaan rabaa sidaas ayuuna mar labaad ku soo maray jidkii uu ku yimid.

Maadey waxaa Isbitaal lagu dhigay magaca Dr. Dolal, markii dambana waxaa lagu shubay dhiiga Dr. Dolal, markii laga maydhay kiisii oo xanuunsanaa. Muddo ayuu ku noolaa guriga Dr. Dolal, wuuna diiday in uu dib ugu laabto dalkii iyo Jabhadii, wuxuuna meel ka degay London. Hal sano ka dib Maadeey waxaa la dhigay Isbitaalka Maskaxda, halkaas oo muddo lagu hayey, waxaana uu Isbitaalka tagi jiray bishiiba hal mar.

Maadey waxaa uu ururuka ONLF, dib ugu soo xidhmay sanakii 2002, kalfadhigii 2aad ee ururka ONLF. Maadey waxaa la sheegaa isaga iyo Macalin Diirane in ay ahaayeen gacanta midig ee Dr. Dolal, xiliyadii ay ishayayeen Janan Jwxo-shiil. Markii dambena waxaa loo adeegsaday baynibixintii Dr. Dolal, labadoodaba, in kasta oo la sheego in Macalinku uusan lug ku lahayn khidadii lagu khaarajiyey Dr. Dolal.

Maadey, waxaa uu sheegtaa in uu yahay hogaanka arimaha dibada ee kooxda Janan Jwxo-shiil, oo maalin dhaw isaga oo khalkhashan ideecadaha ka yidhi wax “nabad ah ma rabno in ay Ogadeeniya ka dhacdo.”

Maadeey waxaa laga hayaa maalmo ka dib, “nabad waanu rabnaa laakiin waxaan rabnaa in ayna dadkanagu mar labaad xabad qaadan.” horta dadkiisa uu sheego waa kuwee!

Gabogabdii isweydiiya dadweynaha Somalida Ogadeeniyow ma Wallo-weyn, baa go,aamin wanaaga wadanka Ogadeeniya mise wiilka u dhashay?

la soco todobaadka dambe taariikh nololeedka mid kale iyo kooxda Janan Jwxo-shiil.

Maxamed Yuusuf Shiil  myuusufshiil@yahoo.com

rasaas.com