Home / News in Somali /
London oo Gacmaha u Buuxisay Madaxda Degaanka Somalida Ethiopia
Isugaynta lacagta lagu iibsaday boondhiga biyo xidheenka Abbay ee dalka Ingriiska ayey qiimaheedu dhan tahay £380,000 oo u dhiganta 10,436,952.78 ETB.
Sida ay wararku sheegayaan waa lacagtii ugu badnayd ee hal meel lagu uruuriyo dalka iyo dibadaba, intii ay bilaabatay ololaha iibinta byo xidheenka Abbay sida ay qoreen boggaga Internet-ku.
Degaanka Somalida Ethiopia [Ogaden] oo haatan uun ka soo duudsaday colaad dheer oo reebtay dhibaato badan iyo dib u dhac badan oo haysta degaanka Somalida ayaan hore marna looga filayn in ay noqdaan dadweynaha ugu gacan weyn degaanada Ethiopia.
Waxaa isweydiin leh hadii ay ka jiri lahaayeen degaanka Somalida Ethiopia horumar iyo nabad galiyo la mid tan ka jirta degaanada kale ee Ethiopia, ma wada iibsan lahaayeen boondhiga biyo xidheenka Abbay. Maxay dawladu Ethiopia ugu abaal gudi kalsoonida iyo deeqda ay u muujiyeen xukuumada.
Waxaa xusid mudan in degaanada kale ee dalka Ethiopia ayna dawladu hunguriyey in ay lacag ka hesho quba-joogtooda.
rasaasa.com