Liibaan Berhane, oo Lagu Xidhay Jijiga

 

Jijiga, June 11, 2014 – Liibaan Berhane, oo haystaa dhalashada dalka Ingriiska, dhawaana soo gaadhay magaalada Jijiga, ayaa la xidhay maalintii Isniintii, June 9, 2014.

Liibaan Berhane, waxaa dhashay haweenay ka mid ah Qurbo-joogta u dhalatay degaanka Somalida Ogadeeniya.

Xadhiga Liibaan ayaa yimid, ka dib kolkii baadhid lagu sameeyey laggaga helay warqado uu leeyahay Jeneral adeerkiisa. Taas oo ay ciidanka Boolisku kaga shakiyeen in uu warqadaha been abuurtay, si uu falal argagax uga sameeyo Jijiga. Waxaa shakiga sii kordhiyey, kolkii uu sheegtay inuu dhashay Qoomiyada Tigray kuna hadliwaayey Afka Xabashiga iyo Tigrayga midna.

Qurbo-joogan ayaa muddo saddex maalmood ah ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Booliska Jijiga. Waxaana kolkii dambe loo gudbiyey faahfaahintiisa ciidamada sirdoonka Atobiyana oo kolkiiba gartay.

Libaan ayaa sheegay in uu maray meelo badan oo degaanka Somalida ka mida, laakiin wali uusan la kulmi dhacdadan oo kale.

Isla todobaadkan gudihiisa waxaa magaalada Addis Abab, lagu xidhay dhawr qof oo ka mida Qurbo-joogta degaanka, oo laggaga shakiyey in ay xidhiidh la leeyihiin ururka Al Shabaab.