Ethiopia: Lahaystayaal Jarmal ah oo la Siidaayey

 

Geneva, Mar 6, 2012 [ras] –  Urur mucaarad ku ah dawlada Ethiopia oo saldhigiisu yahay dalka Eritrea ayaa maanta galinkii hore siidaayey labo ruux Jarmal ah oo ay ku haysteen buuraleyda Degaanka Canfarta.

Bishi January 18, 2012 ayaa dagaal uu dhiig ku daatay lagu qafaashay labada ruux ee Jarmalka ah, ka dib kolkii uu dagaal ku dhexmaray maleeshiyada mucaaradka ARDUF iyo ilaaladii dalxiisayaasha meel lagu magacaabo Erta Ale Volcano oo ku taal degaanka Canfarta.

Dagaalkaas oo lagu dilay shanta ruux oo ahaa dalxiisayaal dadka dhulka baadha ah [archaeologist] oo haybtoodu kala ahayd labo Jarmal ah, labo Austrian ah iyo hal Hungarian ah.

Mucaaradka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dadkii ku dhintay weerarka Erta Ale Volcano, waxayn u rajeeyeen labadan ruux ee ay siidaayeen in ay farxad kula noolaadaan ehelkooda ay jecel yihiin.

Dawlada Ethiopia ayaa ku eedaysay weerarka dadka lagu dilay qaarna lagu kaxaystay in ay ka dambayso xukuumada ay isneceb yihiin ee Eritrea, oo iyadu hoy siisay dhamaan mucaaradka Ethiopia.

Dawlada ayaa sheegtay in afduubayaashu ay dadka ku haystaan dhinaca gudaha ee xadka Eritrea.

Source: AFP
rasaasa.com