Lacagtii Jaaliyada Sweden oo ay Kooxda Jwxo-shiil ku Guul Daraystay in ay Boobto

 

Dalka Sweden ayaa waxaa uu siiyaa Jaaliyadaha laga sharciyeeyo dalkaasi lacago uu ugu talo galay in wax loogu qabto qoomiyadaha dadka degan Sweden ee ay Jaaliyadahaasi ka soo jeedaan, lacagaha waxay ka qayb qaataan dhiiri galinta is dhexgalka mulshooyinka kala jinsiga ah ee kuwada nool dalkaasi.

Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ee dalka Sweden oo ay inta badan madax ka yihiin dad la shaqeeya Jwxo-shiil, ayaa wax alaale wixii dhaqaale ah ee ay dawladu siiso ay galaan kooxda Jwxo-shiil.

Hadab, tan iyo intii ay biiqbiiqday kooxda Jwxo-shiil, ayaa lacagtii kooxda la siin jiray ay lexa jeclaysteen dadkii masuulka ka ahaa Jaaliyada Sweden. Arintaas oo uu ka dhashay muran badan, waayo waxaa ka iman jiray dhaqaalaha ugu badan ee ay kooxdu safarada ku gali jirtay.

Hadab, si lacagtaasi ay gacantooda dib ugu soo noqoto ayaa waxaa dalka Sweden tagay Cabdiraxmaan Maadey [Abtidoon] iyo Cadaani Hirmooge [Ina Dhuubo], oo isaga dhawr goor oo hore la dhaqaajiyey.

Afar maalmood ayey arinteedu socotay, waxaana la damcya in Jaaliyada nin kale loo dhiibo, wayna socon wayday. Abtidoon iyo Indhuubo waxay kala soo noqdeen gacmo madhan, Jaaliyadii iyo dadkii isjeclaana waxaa soo kala dhex galay khilaaf Jaaliyadiina waxay u eg tahay mid la xidhi doona.

Labada khaayisna kolkii dambe ayey boggaga kooxda Jwxo-shiil ka codsadeen in ay qoraan in ay shir qabteen.

Kadeedka kooxda Jwxo-shiil, ayaa maanta meel walba ka taagan, kadeedkaas oo haatan isugu soo ururay dadlka dibada.

Arimaha bulshada
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo