Lacagta Lagu Qaato Warqada Sajoornada Ethiopia oo la Dhimay

 

Warqada aqoonsiga ee loo yaqaan Sajoornada ama dal ku jooga ee ay qaataan dadka u dhashay dalka Ethiopia, [ama u jooga hawlo ganacsi] ee  haysta dhalasho dal kale oo qiimaheeda hoos loo dhigay.

Warqadan oo ayna awal hore qaadan jirin dadka ka soo jeeda degaanka Somalida Ethiopia, ayaa heshiisyadii nabadeed ka dib ay u baahdeen dadka degaanka u dhashay degaanka Somalida Ethiopia, xiligaas oo hal mar uu kor u kacay qiimaha warqadu.

Runtii ma ayna ahayn arin ay Somalida kaligeed hinjisay qiimaha warqada, balse waxaa aad u kordhayey sanooyinkii ugu dambeeyey dadka dalka u dhashay ee u baahan in ay helaan Warqadaas iyo waliba dad badan oo doonaya in ay maal gashadaan Ethiopia.

Qiimaha Warqada dal ku jooga ah oo jiritaankeedu yahay 5 sanadood, ayuu qiimaheedu ahaa US$500. Lacagtaas oo aad ugu badnayd dadka uu asalkoodu Ethiopian-ka yahay oo iyagu siyaabo kale dalka lacag u soo galiya.

Waxaa mudo socotay cabasho ay wadaan dadka Asalkiisu yahay Ethiopian ee haysta dhalashooyin kale, hoos u dhiga qiimaha Warqaduna waxay u egg tahay in wasaarada Arimaha dibadu tixgalisay cabashada dadka.

Sida lagu qoray, warsidaha Cakaara.com, ee degaanka Somalida Ethiopia qiimaha cusub ee warqada ayaa noqon doona US$100 marka ugu horaysa. Qiimaha cusboonaysiinta ayaa lagu sheegay US$40, hadii ay kaa lunto waxaad dib ugu heli kartaa US$60.

Warqadan ayaa faa,iidooyinkeeda waxaa ka mid ah in aadan u baahnayn dal ku gal kolka aad doonayso in aad booqato eheladaa ama aad doonayso in aad ganacsi ka samayso dalkaaga.

Kolka aad warqadan haysatid kama qayb qaadan kartid arimo siyaasadeed sida; xisbi ma furan kartid, laguma dooran karo adiguna waxba ma dooran kartid.

rasaasa.com