Labo Qarax oo ka Dhaceyn Nairobi

 

explosion1War deg deg ah labo qarax oo waaway ayaa gilgilay suuq wayn oo ku yaal magaalada Nairobi, dalka Kenya.  Sida uu warku sheegay, ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhimmatay in ka badan 70 kalena way ku dhaawacmeen qaraxyada gilgilay Nairobi, sida uu soo sheegay wariye Nairobi njooga.

Qaraxa ayaa ka dhacay Suuqa Gikomba oo ah suuqa ugu weyn ee magaalada Nairobi, waxaana xiliga ay dhacayeen qaraxyada la sheegay in uu suuqu aad u camiraa oo ay joogeen dadweyne fara badan.

Qaraxa koowaad, ayaa la sheegay in lagu weeraray baabuur Bus ah, halka kan labaadna uu ka dhacay gudaha suuqa mana jirto faah-faahin dheeri ah oo laga helaayo.

Waxaa goobta gaaray ciidamada nabadgaliyada, kuwaas oo xidhay dhamaan wadooyinka soo gala suuqa, sidoo kale waxaa la arkayaa baabuurta gurmadka oo daabulaya dhaawacyada.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo khudbad ka jeedinaayay Aqalka Madaxtooyada ayaa loo sheegay qaraxa ka dhacay Suuqa Gikomb, wuxuuna caafimaad u rajeeyay dadka dhaawacmay.

Shalay ayey dawlada Ingriisku digniin u dirtay dadkeeda jooga Kenya, iyada oo u sheegtay in ay si deg dega ah uga soo baxaan Kenya. Waxaa Keenya dalxiis u taga 200 oo ruux oo Ingriis ah bil walba.

Isla maanta waxaa digniin mida Ingriiska la mida soo saartay dawlada Australia.

Maraykanka ayaa hore digniin ugu diray dadka reer galbeedka ee u safraya dalka Kenya, waxaana la sheegay in cabsidani ay jiri doonto ilaa October 31, 2014.

Madaxwaynaha ururka Alshabaab Axmed Godane, ayaa shalay sheegay in ay Kenya ka adkaadeen, ka dib kolkii ay ka caydhiyeen reer galbeedkii dalxiiska ku iman jiray. Axmed Godane, ayey dad badan ku sheegaan in uu ku sugan yahay Xadka u dhaxeeya Ismaamulka Somalida Atoobiya iyo Maamulka Somaliland.