Labo Jabsimood oo Dagaal ku Dhexmaray Gunagado

 

Jijiga,  Feb 20,  2012 [ras] – Warar hada na soo gaadhay ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhexmaray labo Jabsimood oo isku beel ah meel dhinaca Koonfur galbeedka ka xigta degmada Gunagado una jirta qiyaas dhan 20 Km.

Dagaalkan oo dhacay maalintii shalay ahayd oo ka dhacay  Labo tuulo iyo Mareer waxaa ku dhintay inta la ogyahay 10 ruux oo ka tirsan labada Jabsimood ee uu dagaalku dhex maray. Waxaa kale oo jira dhaawac ka badan tirada dhimashada.

Dagaalkan ayaa sida la sheegay daba socda labo oday oo bishan February 12keedii lagu dilay degmada Gunagado, dagaalka ayaa si kadisa uga bilowday ceel ay xoolaha labada beelood ka cabayeen.

Jabsinta ay ka soo jeedeen odayada la dilay ayaa ogaatay in dilka ay gaysteen rag huwan magac urur oo ah Jinfada ay wada degaan Gunagado. Waxaana maalmahanba socotay muran hoose iyo isu hub urursi.

Ciidanka Bilayska ee degaanka Somalida Ethiopia, ayaa markiiba u gurmaday joojiyeyna dagaalka, dhaawacyadii waxaa la geeyey degmooyinka Gunagado iyo Dhagaxbuur, qaarna waxaa loo gudbiyey Jijiga.

Dagaalkan dhexmaray beelaha Gunagado dega waxaa lagu eedaynayaa Kooxda Jwxo-shiil, oo iyadu baryahan ka wadaa degaanka Somalida Ethiopia sidii ay u abuuri lahayd colaad beeleed.

 

rasaasa.com