Kumanaan ka Tirsan Qurbo Joogta u Dhalatay Dhulka Somalida Ogadeeniya oo Sanadkan u Fasax Tagay Dhamaan Gabalada Dalka.

 

Tan iyo intii uu ururka Somali Galbeed ku dhawaaqeen in uu wadhadal nabadeed kula jiro dawlada Itobiya, ayaa waxaa muuqanaysay khalsooni badan oo ay helayaan dadweynaha u dhashay dhulka Somalida Ogadeeniya.

Waxaana kolkiiba dalka yimid kumanaan qurba joog ah oo sugi la,a inta uu ururku ka galayo heshiis nabadeed oo dhab. Arimahaas buqashada dadweynaha ayaa aad u sii dhiiri galisay wadhadalada nabada ee uu ku jiray ururka Somali Galbeed.

Dhinaca kale waxaa isna wadahadal nabadeed la bilaabay dawlada Itobiya ururka ONLF, oo ay hore wadahadalo qarsoon ugu dhaxeeyeen dawlada Itobiya. Ururka ONLF ayaa isagu aad uga baaxad weyn ururka Somali Galbeed lehna taageerayaal badan.

Arimahan waxay aad u dhiiri kalsoonida dadweynaha Somalida Ogadeeniya meel walba oo ay joogaan. Waxaan markii ugu horeysay mudo 16 sano fasaxyo u tagay magaalooyinka dhulka Somalida Ogadeeniya kumaan kum qoys oo aan iyagu waligood ka bixin dalalka reer galbeedka iyo qaar badan oo awal hore u fasax tagi jiray dalka Kenya iyo dalalka Carabta.

Qoysaska fasax tagay ayaa waxay booqanayaan eheladooda joogta gudaha Ogadeeniya iyo iyaga oo caruurta soo baraya dadkooda dalkooda hooyo.

Kirada guryaha ayaa laban laabantay iyo waliba badeecadaha aan aad looga isticmaali jirin magaalooyinka. Qiimaha lagu kala gato guryaha iyo boosaska banaan ayaa saddex laabmay, waxaa aad u kala iibsiga guryaha.

Dadweynaha ka tagay qurbaha ayaa muddo gaaban soo jooga degmooyinka ay u dhasheen, ka dibna waxay dib ugu soo laabtaan magaalada Jijiga oo iyadu ah caasimada dhulka Somalida Ogadeeniya. Sababaha ugu wacan in ay qurba joogtu ku nasan waayaan degaanada ay u dhasheen ayaa waxaa ugu wacan iyaga oo aan ka heli karin waxayaabaha u baahan yihiin sida Alada Internetka, Telefoonada, dawooyinka, Waxyaabaha ay haweenku isku qurxiyaan iyo qasabadaha biyaha.

Arimahaas oo ay dhamaantood ugu wacan tahay horumar la,aanta ay sababeen colaadaha joogtada ee hore uga jira dhulka Somalida Ogadeeniya.

Dhinaca maadama ay soo dhawdahay xiliyadii la furi jiray Ikuulada ayaa waxaa magaalada Addis Ababa soo gaadhay dad badan oo hore fasax ugu joogay dhulka Somalida Ogadeeniya.

Sanooyinka soo socda ayaa la filayaan in ay aad u kordhi doonto tirada dadka u dhashay dhulka Somalida Ogadeeniya ee u fasax tagay gabalada dalka.

Arimahaas oo ay ugu wacan tahay isbadalka siyaasada nabad galiyada ah ee ay qaateen dawlada iyo Jabhadaha ay hore colaadu u dhextiilay.

rasaas.com