Kulankii Ugu Horeeyey Gudi Wasaaradeed Koonturta-Sudan iyo Ethiopia oo ku Dhexmaray Juba

 

Addis Abab, Mar 7, 2012 [ras] –  Kulankii ugu horeeyey ee gudi wasaaradeed oo dhexmara koonfurta-Sudan iyo Ethiopia oo ka dhacay  magala madaxda koonfurta-Suudaan Juba, kaas oo socday February 27 – March 2, 2012.

Kulankan oo socoday mudo shan maalmood ah ayey ujeedadiisu ahayd in dib loogu eego iskaashiga xadka ee dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha, dhismaha guud iyo hawada iyo in laga soo saaro mustaqbalka sharci iskaashi oo isku dhaf ah.

Kulanka waxaa si wada jira u gudoominayey wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo kan koonfurta-Suudaan NHial Deng Nhail.

Kulanka oo ahaa mid taariikhi ah, ayaa laga soo saaray sideed qodob oo isfaham ku dhisan oo ay saxiixeen labada dhinac ee isku xidhka dhaqaalaha iyo siyaasada.

Heshiiskan isfahamka ayaa taabanaya arimaha dhaxsinta, dhoofinta, isgaadhsiinta, gaadiidka, waxbarashada, hanaan u wada shaqan iyo kobcinta awooda dhaqaale iyo arimo kale.

Ethiopia waxaa kulanka uga qayb galay wasiirka arimaha xafiiska isgaadhsiinta Bereket Simon, wasiirka ganacsiga Kebede Chane, madaxweynaha Gambella Oumod Oubang iyo madaxweynaha shucuubta Koonfurteed Shiferaw Shigute.

rasaasa.com