Kulan Lagu Taageerayay Heshiisyada iyo Wadahadalada Nabada ee u Dhaxeeya Dawlada Itobiya iyo Ururada ONLF iyo UWSLF.

 

Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ee degan dalka Kenya ayaa maanta waxay ku qabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir ballaandhan oo ay ku taageerayaan heshiisyada iyo wadhadalada ay kula jiraan dawlada Itobiya ururada ONLF iyo UWSLF.

Ururuka UWSLF ayaa dhawaan heshiis nabadeed la saxiixay dawlada Itobiya, waxaa kale oo uu wadhadal nabadeed u socdaa dawlada iyo ururka ONLF, kaas oo la filayo in ay heshiis nabadeed wada gaadhi doonaan.

Jaaliyadaha Somalida Ogadeeniya ayaa waxay meel walba oo ay joogaan ka muujinayaan taageero buuxda oo ay u hayaan nabad ka dhacda dhulka Somalida Ogadeeniya.

Dhagayso warbixinta Ideecada VOA
[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/nairobi.mp3]

rasaas.com