Ku Xigeenkii Xafiiska Adeega Bulshada Degaanka Somalida, oo ku Geeryooday Shil Gaadhi

 

Qalbi Axmed JaamacJijiga, June 15, 2014 – Ku xigeenkii xafiiska adeega bulshada, degaanka Somalida Qalbi Axmed Jaamac, ayaa ku geeriyooday Shil gaadhi oo maanta ka dhacay degmada Erar ee gabalka Sitti.

Marxuum Qalbi Axmed Jaamac, ayaa safar ku tagay gabalka Sitti, ka hor inta uusan maanta ku dhiman shilka gaadhiga oo ka dhacay degmada Erar.

Marxuun Qalbi Axmed Jaamac, waxaa uu mudo dheer ka mid ahaa xubnaha firfircoon ee maamulka madaxwayne Cabdi Iley. Qalbi waxaa uu ka mid ahaa xubnaha qunyar socodka ah ee nadiifta ka ah musuqa iyo dhibaataynta shacabka degaanka.

Eebe ha u naxariisto Qalbi Axmed Jamac, Ehelkiisana samir ha ka siiyo.