Kooxda Khaatumo-Xun, Halgan Xasuuqa oo Meel Alle Meel ay Cuskato Aduunka ka La,a

 

Kooxda Khaatumo-xun ee uu ku Armar ku Taagleeyo Gacan ku Dhiigle Maxamed Cumar Cismaan oo Maraysa Marxaladii ugu Dambaysay Jiritaankeeda.

Kadib markii mudo kooxdani ay soo waday hogaanka Jabahadda Wadaniga Xoraynta Ogadenia waxay heshay taageero badan oo ay shacabku siiyeen dal iyo dibadba, waxaa kaloay heleen dhalinyaro Naftood hurayaal ah oo aad utiro badan kuwaasoo mid waliba reerkoodii uga yimid in uu dhulkiisa ka xoreeyo cadowga waxayna dhamaan bulashadu ku qanacsanayd in uu socdo halgan daacad ihi taasaana keentay in loo taageero si aan kala hadhlahayn.

Khaatumo xun markay heshay hanti badan iyo naftood hurayaal badan iyo taageero badan oo ay ahayd in ay uga faa,idayso halganka waxay samaysay laba arimood waa mid horee way ismahadisay oo waxay is biday awood ayna lahayn ama ayna ka fikirin meesha ay ka timid waana ta keentay in ay siyaasad ka dhigtaan waa in shacabka laga adkaado taasoo keentay in reer dhan lagu gumaado waxay Caayeen jabahadda ama aad nooma taageersana, waxayna ahayd fikir ay kasoo qaateen dalal shisheeye cidii ka daaya tidhina waa la takooray qaarna waxaa layidhi waa lagaa saaray Jabhadda.

Waa mida labaade waxay bilaabeen in ay dhahaan Jabhad kale wadanka kama dagaalami karto gaar ahaan Urur islaami ihi kama dagaalmai karo, dadku waxay iska waydiiyeen laba Su,aalood arintaas waa mida horee war nimanku ma iyagaa wadanka haysta Mise waa wadan uu Tigreegu haysto ayay iswaydiiyeen, waxaa kaloo ay iswaydiiyeen oo hadayna islaam ogolayn iyagu goormay gaaloobeen, labadaa arimood waxaa ka dhashay in boqolaal wiil oo walaalo ah oo isku ujeedo ahayd, mid walibana reerkoodii ugu yimid in uu dalkiisa xoreeyo in ay duur cidla ah isku laayaan kadibna dhaawacooda Tigreegu geedaha hoostooda ka gurto.

Kooxda khaatumo xun Markii arini halkaa marayso waxay shacabku dal iyo dibadba kubaraarugeen waxa socda in uuna ahayn halgankii xaqa ahaa ee uu yahay dhagar lagasoomaleegay wadamo kale dhagar qabe aan waligii halgan gobalkaa ka socda in uu minjo xaabiyo mooyee aan waxba ku tarina in uu shaadh beena usoo xidhay waxayna dadka taariikhda yaqaana dib u akhriyeen tariikhda dhagar qabaha shuuciga ah iyo Qaybtii uu kulahaa  burburinta halgamadii hore balse waa gooray talo faro kahaaday.

Waxay dad badani ka sheekeeyeen sheeko ka dhacday magaaladda Nayroobi sanado ka hor Hoteel lagu magacaabo Karmal oo ku yaala xaafada Islii ee soomaalidu dagto, waxaa shir ku qabtay Dhagar qabe Maxamed Cumar sanado ka hor isagoo booqasho ku tagay dalka Kenya halkaasoo aad loogu soo dhaweeyay maalinkii shirka waxaa kasoo qayb galay dadbadan oo kakoobnaa bulshada qaybaheeda kala duwan Waxaa ka mida haa dadkii goobtaas yimid Alle ha uraxmee halgamaa Maxamed Diiriye Uurdoox oo wax badan usoo halgamay dhulkeena lagumaysto.

Maxamed Diiriye wuxuu layaabay aqoonta uu uleeyahay ninkan iyo sida dadku maanta u arkaan iyo sida uu yahay, waayo soomaalidu inta badan makaydiyaan Taariikhda, Maxamed Diiriye wuxuu halkaa kajeediyay hadal dheer oo,uu kusoo gabagabeeyay waa Alle mahdii markii hadii ragii Shalay halgankan laga wadi la,aa ee burburinayay haday maant leeyihiin anagaa halgamayna, hadalakas oo aad uga nixiyay dhagarqabaha Shuuciga ah dadkii kalana aad ula yaabeen isna uuna ka jawaabin, kuwii shalay la yaabanaa maanta ayay rumaysteen wuxuu sheegayay halgamaa Maxamed Diiriye balse hada markii ay kuwii layaabanaa ugaraabi lahaayeen geeri ayaa uga soo hormartay oo Maxamed Diiriye wuu Dhintay Alle ha uraxmo.

Ugu dambayn dhagar qabe maanta isagii ayay dhagartii dib ugu soo laabatay intaan aakhiro la gaadhin aduunka ayuu cidhiidhi ku jiraa oo meel uu jaan iyo cidhibdhigo ayuu laayahay oo xataa wuxuu isku aamini layahay Naftoodhurayaashii shalay difaacayay ayuu ka baqayaa in ay dilaan waayo wuxuu ogyahay in uu si toosa iyo si dadbanba udilay Naftood hurayaal aad loo jeclaa.

Ina Cumar Cismaan, kii cunay dadkiisow Xageebaad cagaha dhigi ood cisho qudha ku noolaan

Mubaarak Axmed Amubarak2@rasaas.com