Kooxda Jwxo-shiil, oo Rasaas ku Furay Baabuur Bus ah, Sababtayna Dhimasho Meel u Dhaxaysa Dhagaxbuur iyo Tuulada Cobale.

 

Niman hubaysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxda Jwxo-shiil, ayaa baabuur bus ah u galay meel aan sidaas uga fogeyn dhagaxbuur, Baska oo waday rakaab ayaan illaa hada la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday wiil yar oo ardey ah da’adiisuna tahay 14-jir.

Nimankan budhcada ah oo doonayay inay baadhaan dadka baabuurka saaran ayaa rasaas oodda kaga qaaday baabuurka xilli ay cadceedu(qoraxdu) markaas uun dhacday. Dirawalkii baabuurkaas waday oo gartay inay yihiin shuftadiid kooxda Jwxo-shiil, ayaa rasaasta ka dib aan baabuurka joojinin.

Wiilka geeriyooday ayaa ah Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cabdulahi. Hadaba Bahda somalistate waxay u tacsiyaynaysaa qoyska, qaraabada iyo ehelada uu ka geeriyooday wiilkaas, Gaar ahaan Aabaha Axmed Cabdulahi Maxamud(Axmed-Cobole) iyo Hooyo Aasiya Colaad Cabdulaahi. waxaanan illaahay ka baryaynaa inuu naxariistiisa siiyo.

Aamiin.

Xigasho Somalistate.com

Rasaasa.com