Kooxda Jwxo-shiil, oo Bilaabay in ay Xadaan Lacagaha Xurmada ee Xigaalka

 

Marka laga yimaado dilka qarsoon ee kooxda Jwxo-shiil ku hayso dadweynaha Somalida Ogadeeniya ee gudaha, waxay dhibaatooyin kale ku hayaan qoysayaka ku nool qurbaha oo ay u diidan yihiin wada noolaanshihii qoysnimo, waxaana maalin walba na soo gaadha dhibaatooyinka ay u gaysanayaan qoysaska.

Waxaan jeclaysanay in aanu bulshada Somalida Ogadeeniya dhaxdhigno qiso ka dhacday dalka Jarmalka, oo aad iyo aad uga soo horjeeda hab dhaqanka bulshada Somalida Ogadeeniya, oo la xidhiidha hidaha ma guuraanka ah ee ay leedahay Somalida Ogadeeniya gaar ahaana dhinaca guurka. Waxaa fadeexad weyn oo qaan gaadh ah ka sameeyey xubno ka mid ah kooxda Jwxo-shiil, ka dib kolkii ay xadeen GABATI laga bixiyey gabadh sida na loo sheegay uu awoowe u yahay Xirsi Cali Qaardheer oo aanu awowgeed maalin dhawayto sheegnay in ay dishay ciidan beeleedka kooxda Jwxo-shiil, ka gadaalse aan beeninay.

Qoraalka ku saabsan qisadan ayaa ahayd, in maalintii shalay ay isugu yimaadeen dalka Jarmalka, gaar ahaana gabalka Stuttgart, magaalada Ludwigsburg, dadweyne ka socda Jaaliyada Somalida Ogadeeniya iyaga oo ixtiraamaya dhismaha qoys lab dhalin yaro ah oo ka tirsan Jaaliyada Somalida Ogadeeniya.

Waxaa caada u ah somalida, gaar ahaana Somalida Ogadeeniya hab dhaqameed la raaco, kolka la guursanayo gabadh, kagama sheekayn karo qormadan marxaladaha guurku soo maray, laakiin waxaan sharxaynaa sida uu maanta u dhaco iyo waxa ka dhacay Jarmalka.

Badanaaba, marka la doonayo in ay qoys sameeyaan labo dhalin yaro ah, labada qoys ee dhalay dhalinyarada dhisayasa qoyska, waxay galaan kharaj aad u badan oo ah sidii ay uga farxin lahaayeen qoyska cusub, bulshaduna ugu ducayn lahayd si wada jir ah.

Waxaa la sameeyaa cunto badan dad badanina way yimaadaan, kolka cuntada la cuno ka dib, ayaa waxaa wada hadla cuqaal rag ah oo ka socda qabiilka wiilka iyo cuqaal raga ah oo ka socda qabiilka gabadha. Waxay cuqaasha wiilku si hab dhaqameed ah u waydiistaan cuqaasha Gabadha, cuqaasha gabadhuna si nidaam dhaqameed ah ayey ugu jawaabaan, halkaasna waxaa ka bilowda is faham, waxaana xiga in meher sharciga Islamka ah uu dhaco.

Waxaana hal mar sacab tuma dadweynaha ka soo qayb gala xaflada guurka ee qoyska cusub. Waxaa halkaas ay ku bixiyaan Cuqaasha ka socota dhinaca wiilku hanti xurmo iyo duco isugu jirta oo u jeeda tolka gabadha la guursanayo, hantidaas oo inta uu hidaheenu jiray soo jirtay walina jirta, waxaa la yidhaahdaa GABAATI [Galbatay]. Hantidaas oo inta badan lacag ah waxaa la istaaga nin ka mid ah cuqaasha ka socda dhinaca gabadha, waxayna gacanta ka saaraan ruux walba oo goobta fadhiya si ay ugu duceeyaan qoyska cusub [lacag badan ma aha laakiin waxaa looga dan leeyahay dhaqan raac iyo duco].

Hadaba, hadii aynu taas ogayn maxaa shalay dhacay, waxaa dhacay baa la yidhi in kolkii uu meherkii dhacay ay bixiyeen qoladii ka socotay dhinaca wiilka lacag ay ugu talo galeen gabaati, hadaba meeshii laga sugayey in loo qaybiyo tolka, ayaa waxaa hoos ula hadlay odaygii gabaatiga bixinayey saddex nin oo ka socota kooxda xaaraanta ee Jwxo-shiil oo uu ka mid ahaa nin na loogu sheegay Diirane,Raabi Dheere iyo nin reer dhagaxbuur ah oo la yidhaahdo Taflow. Waxayna waydiisteen in GABAATIGA iyaga la siiyo si ay ugu diraan Jwxo-shiil oo ay u yihiin qabaan.

Nasiib darada ugu weyni waxay dhacday kolkii la weydiiyey gabadha Abaaheed oo la yidhaahdo Cabdiqaadir Cabdulahi Gamaadiid, wuxuuna ku jawaabay ha loo diro Jwxo-shiil, halkaasna waxaa ka dareeray gacmo madhan tolkii u yimid ka qayb qaadasha farxada qoyska cusub iyaga oo aad ula yaabay sida ay wax u dhaceen. Si aan la ogayn ayeyna saddexdii nin ula baxeen GABAATIGII oo aan ilaa iyo hada war laga haynin meel ay ku sugan yihiin.

Arintan oo aad uga fog xeer dhaqamaadka Somalida Ogadeeniya, ayaa waxaa aad uga cadhooday, gabdha ehelkeedii iyo waliba tolkeed oo iyaga ay colaad dhextaal Jwxo-shiilo. Sababta oo ah waxaa loo haystaa Jwxo-shiil in uu ka dambeeyey dilkii Dr. Maxamed Sirad Dolal January 17, 2009, oo gabadhan shalay gabaatigeeda la xadayna adeer u ahaa.

Arintaas oo dad aad u badan oo ah ka mid ah beesha gabadha ay qaadan waayeen, ma ahan in dhaqanka la khalday ee waxaa weeye sida ragii dilay  gabadha Adeerkeed ay hadana waxa ay doonaan ka yeelayaan isla beesha dhaxdeeda. Waxayse dad badani caloosha ku qaboojisanayaan in gabadha Aabaheed uusan dhex gali karin beesha uu ka dhashay oo uusan uba tirsnayn.

Sababta gabadha Aabheed tolka looga saaray, waxa uu galay iyo waliba sida ay arintani u saamaysay tolka gabadha gadaal, ayaan idiinka soo qori doonaa iyo waliba waanwaan socota sidii loo soo celin lahaa GABAATIGA la xaday.

Arimaha Bulshada
rasaas.com

Rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo