Kooxda Jwxo-shiil iyo Ururka Alshabaab oo Qorshaynaya Qaraxyo ka Dhaca Magaalooyin ka Mid ah Dhulka Somalida Ogadeeniya.

 

Ururka Alshabaab iyo Kooxda Jwxo-shiil, ayaa waxaa dhexmaray xidhiidh cusub oo ku saabsan sidii ay dhibaato ugu gaysan lahaayeen dadweynaha Somalida Ogadeeniya ee degan magaalooyinka waaweyn.

Xidhiidhkan cusub ayaa waxaa laga soo maleegay dalka Eritrea oo isagu ah wadan si xoog leh u taageera ururada argagisada ah, xidhiidh wanaagsana la leh ururka Alshabaab iyo Kooxda Jwxo-shiil.

Qorshahan cusub ee ay soo maleegtay xukuumada Eritrea, ayaa ah mid lagula dagaalamayo wadahadlka nabada ee u socda dawlada Itobiya iyo ururka ONLF, oo la filayo in ay bilaha soosocda gaadhaan heshiis kama dambays ah.

Ururka Alshabaab ayaa waxaa uu u soo dirayaa dhulka Somalida Ogadeeniya [Itobiya] dad aan ahayn beesha Ogadeen, balse ah beelaha Somaliyeed ee dega xuduuda iyo badhtamaha Jamhuuriyada Somaliya. Dadkaas ayey qorshaynayaan labadan kooxood in ay ka soo talaabiyaan xuduuda uu dalka Somaliya la leeyahay Ismaamulka Somalidu.

Sida ay sheegayaan ilaha aan warkan ka helay, dadka ay rabto in ay Eritrea soo galiso gudaha dhulka Somalida Ogadeeniya ayey qaarkood duurka galinaysaa iyaga oo iska dhigay ciidanka kooxda Jwxo-shiil.

Qaarna waxay soo galayaan magaalooyinka iyaga oo iska dhigaya ganacsato yar yar, qorshuhuna waa in ay sameeyaan qaraxyo keena dhimasho badan xiliga ay dhacayaan shirarka nabada ee la sugayo in ay ka dhacaan gudaha Ogadeeniya.

Waxay qorshaynayaan in qaraxyada ay u isticmaalaan baabuur, waaweyn iyo kuwa yar yar kolba kii suurto gal u noqda.

Ururka ONLF, oo waday dagaal xidhiidh ah mudo 16 sano ah, dagaalkaas oo kula jiray dawlada Itobiya. Ururka ONLF ayaa isagu hore uga qayb galay doorashooyinkii 1993, kuna guulaystay, balse khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo dawlada uu kalifay dagaalo dhibaato keenay, ururka ayaa xiligan ay dawlada Itobiya isku af garteen in ururku si nabad ah ku raadiyo xuquuqda ama gooni u go,a uu raadinayo [si dimoqraatiya].

Waxaase si khaldan u adeegsanaya xubno hore uga tirsanaan jiray ururka ONLF, dawlada Eritrea iyo ururka Alshabaab si ay fidmo uga abuuraan dhulka Somalida Ogadeeniya.

rasaas.com