Kenya: Qarax ka Dhacay Nairobi Dhimasho 4, Dhaawac 42

 

Nairobi,  Mar 10, 2012 [ras] – Xarun laga raaco Basaska u baxa gabalada dalka Kenya kuna taal bariga magaalada Nairobi, ayaa lagu weeraray 4 bambaano oo kuwa gacanta ah.

Qaraxyo waaweyn oo ka dhashay banbaanooyinkaas ayaa sababay dhimasho 4 ruux iyo dhaawac 42 ruux ah.

Bambaanooyinka ayaa laga soo tuuray baabuur yar yar oo ka mid ahaa baabuur yar yar oo taagnaa dhinac xarunta saldhiga basasku ka baxaan.

12 ruux oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay bambaanooyinkaas ayay xaaladoodu aad u liidataa.

Booliska Kenya ayaan wali waxba gacanta ku hayn dadka iyo baabuurtii bambaanada laga soo tuuray midna. In kasta oo Boolisku meel walba taagan yahay magaalada Nairobi.

Ururka Al shabaab ayaa xoojiyey hawlgaladood gudaha Kenya iyo dalka Somaliya labadaba.

Tuulada Yurkut oo ka tirsan degmada Luuq ee dalka Somaliya ayuu ururka Al shabaab weerar ku qaaday ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa Somali ah oo tuulada wada daganaa. Dagaalkaas oo aad u xoog badnaa ayaa la sheegayaa in ay dhimashadu tahay 80, labada dhinacba.

rasaasa.com