Kenya oo Shidaal Qodis ka Bilowdey Xerooyinka Dhadhaab, Kaalinka Shidaalku waa Kismaayo

 

Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ka mid ah dadka ku jirra xerooyinka Dhadhaab ee gobolka waqooyi barri ayaa waxaa tabobaro  ciidan  u furtey dowlada Kenya si ay usoo weeraraan Jubooyinka kenya-vs-kismaayo

Dhadhaab oo ah xerada qaxootiga ugu baaxad weyn aduunka oo dhan waxay hoy u tahay inka baddan 120 kun oo qof oo Soomaaliya kasoo qaxay, waa meel ay ka jirto nolol tii ugu adkeyd, kumanaanka baahan ee rajo beelka ku dhacay ee qaxootiga waxa ay xerooyinkaasi ku jiraan tobonaan sanno.

Xaalada cakiran ee ay dadkani ku jiraan waa mid sanad kasta kasii darta, daryeelka ay helaana waa mid hoos usii dhaca xilli kasta, ma jirto cid il gaar ah ku eegta.

Laakiin hadda waxay u muuqataa in la eegayo eegmo ka duwan tii hore, waxaa laga dhex heley shidaal iminka la bilaabay qodistiisa, warka xiisaha leh wuxuu yahay in kaalinka shidaalka ee gaaskani la heley la geeynayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaa biloowdey maalgashi xoogan oo lagu samaynayo qodista shidaalkani iyo macdan tan qaaliga ah.

Hadabba sidee isu qabanaysaa shidaalka Kenya in kaalinkiisa uu noqdo Kismaayo?

Ku dhawaad 50% dadka xerooyinkani ku nool waa dhalinyaro meesha ku tabar gashay, warka wanaagsan ee dhalintani ku saabsan waa in ay heer wanaagsan ka gaareen waxbarashada diini iyo maadiba, waxay noqdeen mid ka mid ah rajooyinka dhif iyo naadirka ah ee ay Soomaaliya leedahay haddiiba ay xasilooni ka dhalato, taasoo ah in ugu yaraan uu jirro jiil wax bartay oo dalka anfaca.

Hase yeeshee waxay u muuqataa in rajadani ay noqoneyso riyo qofkeeda biyo lagu firdhiyey oo halkaasi ku joogsatay.

Dowlada Kenya iyo DKMG ah ayaa dhalintani ku xaraynaya xerooyin militari oo lagu tabobaro, waxaa lagu hubeynayaa hub casri ah, waxaana la siinayaa tabobar iyo mushaaraad ku fillan.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa la arkayay dhalinyaro ay diiwaangalinayaan rag lasoo wakiishey oo si qarsoodi ah uga dhex shaqaynaya xerooyinka, dhalinta waxaa xilli habeen ah lagu daabulayaa baabuur waaweyn iyadoo la geeynayo xerooyinka ciidanka ee ay ku tabobaranayaan oo ku yaala meelo kala duwan.

Meelaha qaarkood waxaa tabobarka bixinaya saraakiil ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanka oo saldhigyo ku leh gobolka waqooyi barri ee dalka Kenya.

Wasiirka gaashiindhiga DKMG ah ayaa sanadkan horaantiisii booqdey mid ka mid ah xerooyinka tabobarka oo ku taala Haluuqoo meel u dhow, xiligaasi barnaamijkani wuxuu marayay heer biloow ah.

Bishii ugu dambeysey ciidamadani cusub waxay gaareen tirro baddan, waxaa xittaa jirtey in la howlgaliyey saraakiil ka tirsanaan jirey DKMG oo usoo baxsaday dhanka Kenya oo UNHCR ay sheegtey in magangalyo laga siiyey xerooyinka, balse ay hadda soo baxday in ujeed kale loo geeyey xerooyinka.

Ujeedka ciidamadani laga leeyahay waa in ay weerar ku qaadaan gobolada Jubooyinka oo ay afgambiyaan maamulka islaamiga ah ee halkaasi ka taliya.

Qorshahani wuxuu daba socdaa mid sanadkan horaantiisa ay dhaqaajiyeen siyaasiyiin gobolada jubooyinka kasoo jeeda balse guul daraystey kadib dagaalo dhowr ah oo ka dhacay deegaanka Cali Buleey oo Dhoobleey u dhow, waxaa la aaminsanyahay in isla barnaamijkii oo ka mug weyn lasoo nooleeyey.

Arrintani waxay si rasmi ah usoo shaac baxday maalintii arbacada markii uu saxaafada la hadlay gudoomiye ku xigeenka maamulka islaamiga ah ee Kismaayo Sh. Cabdiqani, gudoomiye xigeenka wuxuu Kenya oga digey in ay faraha lasoo gasho arrimaha jubooyinka, sheegeyna in maamulka uu diyaar u yahay is difaac.

Mar sii horeysey KismaayoNews waxay tabisey war ku saabsanaa in wasiirka arrimaha dibada ee Kenya Moses Watangula uu sheegey in dowladiisu ay difaaci doobto DKMG ah, waxaan warbixinta ku sheegney qorshe ay Kenya ciidamo ugu direyso deeganaada Jubooyinka.

Qorshahaasi wali waa mid jirra oo waliba maraya heer talaabo qaad ah sida aan ku ogaanay baaritaano muddo qaatay oo aan arrintani ku samaynay, hase yeeshee waxaan si madax banaan u sheegi karnaa in loo ekeeysiiyo ciidamo DKMG ka socda oo qabsanaya dhul Soomaaliya ka tirsan, halkii ay noqon lahayn Kenya oo weeraraysa Soomaaliya, ciidamada Kenya waa ay gali doonaan dagaalka balse iyagoo dabada ka wada dhalintani la tabobarayo.

Qorshahani waa mid huwan khatar labbo jibbaaran, kaliya ma ahan waxa dagaalada ku dhimanaya dhalinyaro Soomaaliyeed, ee waxaa dheer in dhalinta dhimanaysa ay tahay kuwo wax bartay oo leh mustaqbal ifaya.

Lama oga sida qorshahani uu mirro dhal ku noqon doono, waxaase la ogyahay in qorshahani uu yahay mid uun ka mid kuwa dhowrka ah ee la doonayo in xididada loogo siibo maamulkada islaamiga ah ee ka hergalay meelo baddan oo Soomaaliya ka mid ah, xerooyinka qaxootigana waxay noqonayaan meel kale oo lagu tabobarro maleeshiyaad ay wataan hogaamiye kooxeedyo si la mid ah magaalada Mustaxiil ee gobolka Ogaadeeniya.

Waxaa lagu doodi karaa in dowlada Kenya ay Dhadhaab ka heshay shidaal, kaasoo ay bilowdey qodistiisa, waana shidaalkii lagu hurin lahaa Soomaaliya, kaliya su’aasha haboon ee ay tahay in Kenya is weeydiiso ah ayaa ah “saameyn ceynkee ah ayay arrintani ku yeelan kartaa xasiloonida Kenya?”.

Kenya waxay dareemeysaa halis aan yarayn marka laga hadlayo damaceeda sidaal qodista ee dhul baddeedka dhawaan loo saxiixey ee Kismaayo wax yar u jirra, awooda kaliya ee ka hor istaagi karta arrintani waa maamulka hadda jirra oo sii xoogeysta, waxaa kale oo ay halis ku dareemeysaa aragtiyada Soomaaliweyn ee ay aaminsanyihiin hogaamiyeyaasha maamulada islaamiga ah ee ka jirra Soomaaliya.

Intii muddo ah waxaa Kenya ka socday olole dadka dalkaasi loogu diyaarinayo dagaal lagu qaado Soomaaliya, waxaa la isticmaalayay saxaafada oo si isdaba joog oo qorsheysan u tabineysan warar kicinaya dareenka dad weynaha iyagoo muujinayay in halis kaga soo fool leedahay Soomaaliya, tani waxay dowlada ka caawineysaa in ay shacabkeeda garab oga hesho haddiiba ay qaado talaabo militari.

 

Share this Post

 

Related Posts