Karatee oo Kilalka Tagay

 

Xasan KarateeJijig, May 6, 2014 – Cabdulahi Xasan Karatee oo ka mid ah dadka u dhashay Somalida Ogadeniya, oo in badana ku noolaa dalka Canada, ayaa dib ugu laabtay dhulka Somalida Ogadenia.

Karatee, waa suxufi madaxbanaan oo ka hawlgala Radioogal, oo ka baxa dalka Canada, wuxuuna ka mid ahaan jiray dadka fikir ahaan ka horjeeda gumaysiga. Cabdulahi Karatee, oo warbixin gaaban siiyey Cakaara.com, ayaa sheegay in uu la dhacsan yahay isbadalka ka jira Jijiga.

Cabdulahi Karatee, oo ay ku qanciyeen saaxiibadiis degan Dubai, in uu tago Jijiga, ayaa ka mida dadka badan ee martida  u ah dawlada degaanka.

Karatee, ayaa sheegay in uu maalgashi dhinaca saxaafada ah ka samayn doono Jijiga. Xog ogaal la,aan baa col hoday!

Maamulka degaanka, oo awal hore diidi jiray in dadka Qurbojoogta ah ay dalka ku soo laabtaan, ayaa saddex sano ka hor bilaabay siyaasad caydhiin oo lagu wiiqayo gobonimodoonka ONLF.

Qurbojoogta oo aad ugu hamuunqabta argtida ehelkooda, ayuu afkoodu yahay amaanta dawlada degaanka, arima jira awgood. Arinta la yaabka leh ayaa ah in aan la arag dad ka soo laabta degaanka oo wanaag ka sheega.