Kani Galbay ku Kale Mooyee

 

Madax waynihii Ismaamulka Somalida Daa,uud Maxamed Cali oo xilkii madaxwaynenimo gabaldhicii maanta laga qaaday.
Daa,uud oo hayey xilal dhawr ah ayaan midna laggaga tagin oo kuligood laga xayuubiyey, dhabarkana loo saaray wax alaale wixii eed ahayd ee ka dhacday Ismaamulka Somalidi tan iyo intii uu xilka m/waynaha hayey.

Daa,uud Maxamed Cali oo ay saaxiib aad isugu dhaw ahaayeen Cabdi Maxamed Cumar hogaanka nabadgaliyada ee Ismaamulka Somalida, ayaa waxaa ay hore u tikhaan tikhiyeen Cabdulahi Xasan Lugbuur kolkii ay isugu tageen.

Daa,uud Maxamed iyo Cabdi Maxamed Cumar ayaa lahaa awood siman oo aan kala dhicin, xiliyadii ay awooda lahaayeena gacan bir ah ku qabtay dadweynaha Somalida Ogadeeniya. Dadweynaha Somalida Ogadeeniya ayey saddexda nin caan ka noqdeen iyada oo ay ugu wacnayd ku takri falka awooda masuuliyadeed ee ay dadweynaha u hayeen.

Xiliyadii ay saddexda nin masuuliyada hayeen ayaa waxaa ay ahaayeen xiliyadii uu gabalku ugu amaanka xumaa. Waxaana dalak ka qaxay dad aad u badan waxaa kale oo xabsiyada galay dadkii ugu badnaa ee abid laga xidho dadweynaha Somalida Ogadeeniya.

Dadweynaha Somalida Ogadeeniya ee ku nool gudaha iyo dibadaba ayaan ka xumaan doonin xil ka qaadida lagu sameeyey Daa,uud Maxamed Cali.

Waxaa muuqda ifaaflo leh yididiilo oo uu helo degaanka Somalidu, taas oo ay ugu wacan tahay Jabhadaha nabada qaatay iyo waliba iyada oo ay dawladu isbadal ku samaynasyo masuuliyiin ay dadweynuhu aad u necbaayeen.

Waxaana suurto gal ah in ay hogaanka yimaadaan, masuuliyiin cusub oo aan eed ka galin dadweynaha iyo waliba awood qaybsi ka imandoona dhinaca Jabhadaha nabada qaatay, arintaas oo keeni doonta isbadal wayn oo ku yimaada guud ahaan gabalka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha iyo waliba iyada oo la sugayo in masuuliyiin kale ay xilalkooda waayi doonaan, kuwana loo magacaabidoono xilal cusub.

rasaas.com