JXSG oo Warsaxaafadeed ka Soo Saartay Go,aankii Lagu Xidhay Qaar ka Mid ah Masaajida Jijiga Iyo Dagaaladii ugu Dambeeyey ee ka Dhacay Dhulka Somalida Ogadeeniya

 

Warqad uu ku qoran yahay Warsaxaafadeed ayaa naga soo gaadhay xafiiska Warfaafinta ee Jabahda Xoraynta Somali Galbeed JXSG. Warsaxaafadeedka oo ka hadlaya arimo dhawra ayaa waxaa uu aad u cambaaraynayaa Gumaysiga Itobiya iyo kabaqaadyada uu ku adeegto ee Kaalinka 5aad dhibaatooyinka ay ku hayaan goobaha lagu cibaadaysto dhulka Somalida Ogadeeniya iyo waliba qoraal ku saabsan dagaalo ay Jabhadu kula gashay ciidamada gumaysiga Itobiya dhulka Somalida Ogadeeniya.

Warsaxaafadeedka ayaa u qoran siddan;
1.   Waxaa bilihii ugu dambeeyay Dagaalo ku dhexmareen Gudaha Dhulka S/galbeed Ciidamada Mujaahidiinta Midowga Jabahadda Xoraynta S/galbeed MJXSG, iyo Ciidamadda Tigreega, Dagaaladan ayaa ka dhacay Deegaano kakala tirsan Gobaladda Godey, Dhagaxbuur, iyo Nogob, waxaana ka mid ah Meelaha ay Dagaaladani ka dhaceen, Deegaan ka tirsan Dagmadda Dhanaan ee Gobalka Godey, Tuulooyin ka tirsan Gobalka Dhagaxbuur iyo Deegaano ka tirsan Gobalka Nobeed.

Dagaaladan waxay Mujaahidiintu Ciidanka Cadowga ugu gaysteen Khasaare xoogle oo isagu jira Dhimasho iyo Dhaawac, dhanka Mujaahidiinta Khasaaraha kasoo gaadhay Dagaaladan Aadbuu uyaryahay, Waxayna Mujaahidiintu Sheegeen inay Guulo ka gaadheen Dagaaladii ugu dambeeyya kuna dileen tiro badan oo ka mid ah Ciidanka Wayaanaha ee Dhulka S/galbeed Xooga ku jooga,

2.   Dhanka kale Wuxuu Cambaaraynayaa Ururka Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed, Dhibaatooyinka Aan lasoo koobi Karin ee ay Ciidamadda Gumaysigu ku hayaan Shacabka Ku dhaqan Dhulka S/galbeed ee lagumaysto, Gaar ahaan Kuwii ugu dambeeyay ee Maalintii Jimcadda oo ay Taariikhdu ahayd 17/7/09 Lagu Xidhay Masaajido badan oo ku yaala Magaaladda Jigjiga kuwaasoo Dadkii loo Diiday inay ku Tukadaan Salaadii Jimcaha, Waxaana Ka mid ahaa Masaajidadaa, Masaajidka Weyn ee Abuubakar Sidiiq, Masaajidka Cumar Binu Khadhaab, Masaajidka Weyn ee Dabaqaynka iyo Masaajidka Markazka, Kuwaasoo Dhamaantood dadka maalintii Shalay loo Diiday inay Ku Tukadaan Salaada Jimacada.

Waxayna hadda bilaabeen Tigreegu inay Albaabada ulaabaan goobihii lagu Cibaadaysan Jiray taasoo ah arin aan loo dul qaadan Karin dadkana ay waajib ku tahay inay Difaacdaan Diintooda iyo Sharaftooda, Waxaana Dhacdadan Shalay dhacday ka horeeyay in dadka Muslimiinta ah ee ku nool Gobalkaas horay loogu Diiday Fasixii ay lahaan jireen Maalinta Jimcada ah, laguna qasbay inay la wadaagaan Fasaxa maalinta Sabtida Iyo Axada kiristaanka iyo Yuhuuda.

3.   Dadka waxaan ugu Baaqaynaa inay ka dhiidhiyaan Dhibaatada isagu jirata Dilka, Dhaca, Kufsiga iyo Xadhiga ay kuhayaan Gumaysiga iyo kuwa Daba Dhilifka u ah waxaana u sheegaynaa Gumaysiga in uu joojiyo Gumaadka uu ka wado dhulkaasi, Siina Daayo kumayaalka Maxaabiista ah ee ku jira Jeelasha uu Dhulkaas kasamaystay kuwaasoo aan waxba Galabsan.

4.   Ugu dambayntii Ururka Midowga Jabahadda Xoraynta S/galbeed, wuxuu ugu Baaqayaa Shacabka S/galbeed, inay u midoobaan Halganka lagula jiro Gumaysiga Madow ee dhulkeena haysta, una huraan qiimo kasta oo ay inoogu kacayso raadinta Xornimadda iyo helitaankeeda  taasoo aan marna lagu helin qiimo jaban, halkudhageenuna waa.

Xafiiska Warfaafinta Midowga Jabahadda
Xoraynta  Somali Galbeed [MJXSG]

Muslinimo, Mintidnimo iyo Midnimo.