Jwxo-shiil oo Saaka Sariirtiisa korkeeda Wada Tashi Ugu Yeedhay Abtidoon iyo Macalinka

 

Abtidoon iyo Macalinka oo xiligan aad u macaluushan, oo iyagu ah labada nin ee ugu meherada daran kooxda Jwxo-shiil, ayuu Jwxo-shiil Aalasaydii uga yeedhay sariirtiisa isaga oo iyidhi “war baa soo kordhaye ha la ii yimaado”.

Jwxo-shiil, oo ah ninka micnaha tiray ururka ONLF, mudo sanooyin ahna ku sheegta in uu yahay gudoomiyaha ururka ONLF, ayaa waxaa shalay halgaad labaad ku dhuftay ninka ay sida wayn gudoomiyenimada isugu haystaan Eng. Salaxudiin Cabdiraxmaan Macow.

Eng. Salaxudin ayaa waraysi uu siiyey VOA ku sheegay in uu jiro xidhiidh u dhaxeeya xukuumada dhexe ee Itobiya iyo ururka ONLF oo uu isagu hogaamiyo. Eng. Salxudin ayaa sheegay in wadahadalka u dhaxeeya ururka iyo xukuumada Itobiya ay wadaan dad reer galbeed ah oo mudooyinkanba ku dhex jiray sidii ay isu horfadhiisin lahaayeen labada dhinac.

Waxaa la filayaa kulankan deg dega ah ee u dhaxeeyea sadexdan duq ee ku caajisay Ingriiska in badana afka ka sheegata in ay yihiin hogaamiyeyaasha ururka ONLF, in ay damaqday waraysiga Eng. Salaxudin.

Jwxo-shiil iyo kuwa daba gorosa ayey arintu baryahan dambeba cidhiidhi kaga jirtay, kuna qaybsanaa ergo odayaal ah oo uu Jwxo-shiil hoos ka dirsaday. Waxaa kale oo haysatay wareer siyaasadeed oo ay keentay xiligan misaan la,aan siyaasadeed oo aan ka gadmaynin Itobiya, ka dib kolkii ay heshiis wada galeen Itobiya iyo UWSLF.

Kulanka saddexda duq ayaa ka dhacay sariirta Jwxo-shiil korkeeda, waxayna kaga arinsanayaan wixii ay ka yeeli lahaayeen hadalka Eng. Salaxudin oo hadii uu run noqdo ayna waxba u soo hadhaynin kooxda Jwxo-shiil.

Waxyaabaha la is odhan karo way ka wada hadli karaan ayaa ah in ay dacaayad ku afuufaan Eng-ka iyo ururka uu hogaamiyo iyaga oo iskudayaya in ay Itobiya ka dhaadhiciyaan in uusan ururka uu Eng. hogaamiyo ahayn urur awood ciidan leh. Balse ay runtu tahay in ururka uu Eng-ku hogaamiyo uu yahay mid shacbiyad balaadhan leh iyo waliba ciidan aan iyagu ku jirin weeraro dagaal xiligan.

rasaas.com