Jwxo-shiil, oo la jiifiyey Isbitaal iyo Go,aamo Qarsoon oo ay Gaadheen Xubnaha Kooxda Ugu Muhiimsan

 

Perth, Australia July 16, 2011 [ras] – War e-mail ah oo aanu saaka ka helay, ayaa sheegaya in Jwxo-shiil, uu galay Isbitaal ku yaal magaalada Perth, ka dib kolkii uu dhiigu si aada kor ugu kacay.

Shalay aroornimadii hore ayaa Isbitaalka la geeyey, markii uu ka rayn waayey xanuun uu ka sheeganayey madaxa habeenimadii.

Jwxo-shiil, oo maalmahan joogay dalka Australia, ayaa u tagay in heshiis laga gaadho khilaaf u dhexeeyey isaga iyo Cadaan [Ina-dhuubo] mudo hal sano ah.

Sida, warku sheegay waxaa habeenimadii ay bisha July 14 ahayd kulan kooban ku lahaa magaalada Perth xubnihiisa ugu muhiimsan. Waxayna ka wada hadleen in ay isbadal maamul ay sameeyaan, taas oo uu soo jeediyey Ina-dhuubo, ka dib markii ay xaliyeen khilaafkii hore ugu dhaxeeyey.

Waxaa ka mid ahaa arimaha ay ka hadleen in masuuliyada lala qaybsado Jwxo-shiil, madaama ay cimri iyo sumcad xumo badan haysato. Waxaa kale oo ay is tuseen bal in ay helaan waji cusub oo siyaasadeed oo ay kaga badbaadi karaan diiwaanka Argagixisada ee lagu daray.

Shirka oo u dhaxeeyey saddexda nin ee ugu muhiimsan kooxda ayaa waxay go,aamiyeen  in saddexdan arimood la sameeyo;

1. In la sameeyo jago R/wasaare, qabtana ku xigeenka 1aad ee Jwxo-shiil.
2. In gudoomiye xigeenka 2aad uu noqdo ku xigeenka R/wasaaraha
2. In Jwxo-shiil, uu noqdo mid ku kooban magaca gudoomiye iyo saxiixa.

Go,aanka ay gaadheen saddexda xubnood ayaa lagu ansixin doonaa shir guud oo ay isugu tagi doonaan kooxdu xili aan la magacaabin dal ka mid ah dalalka Yurub iyaga oo adeegsanaya magaca Jaaliyad.

Waxaa kale oo la isla qaatay in Ina-dhuubo uu tago Geeska Afrika ka hor inta aan la qaban shirkaas, arinkan oo uu soo jeediyey Jwxo-shiil.

Waxaan la ogayn in qorshaha saddexda xubnood ay ka horiman doonaan xubnaha kale ee kooxda, taas oo aan hore looga baran, in kasta oo uu khilaaf haatan ka dhex jiro.

Waxaa kale oo dhici karta in Jwxo-shiil, laftigiisu uu isbadalo, ka dib kolka uu helo talada beesha hawsha wada iyo la taliyeyaashiisa gaarka ah.

rasaasa.com