Jwxo-shiil, oo Loo Haysto Dambiyo Badan; Dil Dad iyo Gubid Hanti Dadweyne

 

Sidda aad la wada socotaan, Admiral Maxamed Cumar Cismaan [Jwxo-shiil], oo ka mid ah Jananada Jamhuuriyada Somaliya, ayaa waxaa si aan la filaynin ugu dhexdhuuntay Jabhada ONLF, oo iyadu ah Jabhad ka dhalatay dhulka Somalida Ogadeeniya oo doonaysa in ay dadka Somalida ah ee degan Ogaden ay helaan xuquuqdooda.

Maxamed Cumar [Jwxo-shiil], ayaa tan iyo intii uu soo dhexgalay ONLF, waxaa uu dhibaatooyin ka dhan ah dadweynaha Somalida Ogadeeniya ka sameeyey dhulka Somalida Ogadeeniya. Dhibaatooyinkaas oo isugu jira; dil, dhaawac, kufsi, gubid gaadiid shacab iyo tuulooyin.

Hadaba, waxaa baryahanba soo badanayay dadka leh Maxamed Cumar Cismaan waxaa uu dilay dad ehelkana ah oo shacab ah. Dadkaasi waxaa ay doonayaan in Maxamed Cumar [Jwxo-shiil], maxkamad la soo taago.

Hada, waxaan helay blog la loo sameeyey in lagu uruuriyo dambiyada uu ka galay dadweynah Somalida Ogadeeniya si loogu soo oogo Maxkamad.

Boggan ayaa ka mid ah blogyada lagu soo bandhigi doono dunuubtiisa.

rasaas.com