Jwxo-shiil, oo Buufis Dadka ka Baxsanaya Ayaa London Lagu Arkay, Isaga oo Dhuumanaya

 

Warar hubaal ah, oo naga soo gaadhay dad ka agg dhaw guriga afada Jwxo-shiil ee London, ayaa sheegay in la arkay Jwxo-shiil oo ku dhuumanaya guriga afadiisa.  Jwxo-shiil, ayaa aad u bararsan oo indhaha oo dhan ay qarsoon yihiin, qadaadkana ay tuuri ka baxday, sida la qiyaasayana ay Eritrea soo eriday, heshiiska iyada iyo Itobiya u socda awgiis.

Maxamed Cumar Cismaan [Jwxo-shiil], oo ah ninka burburiyey halgankii ay waday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeeniya [Jwxo], amarkiisana lagu dilay 84 Naftii hure iyo 11 masuul oo uu ugu dambeeyey Dr. M S Dolal, ayaan isagu wax wanaag ah ku lahayn guud ahaan umada Somalida, gaar ahaana Somalida Ogadeeniya.

Xukuumada Eritrea ayaa in badan u adeegsatay Jwxo-shiil, baabi,inta halganka ay Jwxo waday iyo iska horkeenka ummada Somalida Ogadeeniya, kolkii uu halgankii baaba,ayna Dabada Dab kaga soo dhajisay Jwxo-shiil, arintaas oo ku keentay buufiska xun ee haya.

Dhagar-qabe Jwxo-shiil, ayayna suurto gal u ahayn inta noloshiisa ka dhiman in uu helo nolol caadiya, madaama uu gaystay dilal foox xun, kuwaas oo aan marna suurto gal ahayn in la iloobo.

Sida ay waraku sheegayaan Jwxo-shiil, ayaa waxaa uu tagay London Jamcihii April 23, 2010, isaga oo si qarsoodi ah u soo galay, kana dhuumanaya in ay is arkaan dadka Somalida ah ee ay is yaqiineen.

Jwxo-shiil, oo ay ka soo xidhmeen meelihii uu ka dhur-sugayey oo dhan, Itobiyana waxaa ka dhexmaray Somali Galbeed, Absamena South Afrika ayey runta ugu sheegeen.

Ma jiraan wax qorsha ah oo uu u tagay London, marka laga reebo arin ay afadiisu u soo jeedisay oo ah in uu shir u qabto May 1, 2010 Jaaliyadii Qolka Kaniisada, si uu ugu arbusho shirka MIDOWDA JAALIYADA JUBBALAND oo ka dhacay May 1, 2010 magaalada Birmingham.

Jwxo-shiil, oo cimri ku jira, Eritrean laga soo caydhiyey, Itobiyana Somali Galbeed ka dhexmartay, buufisna bastiis la ah, waa u caqli xumo ruuxa intuu qol hor fadhiisto dhagaysta.

rasaas.com