Jwxo-shiil iyo Mr. Qaaxo oo Melbourne u Qaxaaya!

 

War aanu gabalabta ka helay dalka Ingriiska, ayaa noo cadeeyey in Jwxo-shiil iyo Qaaxo, ay isu raaceen dalka Australia, halkaas oo ay kooxdu doonayso in ay isku aragato.

Kooxda ayay suurto gal u noqon weyday in ay isku aragto Waqooyiga Maraykanka iyo Yurub, ka dib kolkii ay Jaaliyadaha degaanka Somalida Ethiopia ee ka jiraa siin waayeen fursad.

Is araga kooxda ayaa la filayaa in uu ka dhaco magaalada Melbroune, July 1, 2011 waxaana ka qayb galaya dad ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliya.

Jwxo-shiil iyo Qaaxo, waxaa wehelisa Ruqiya Xuseen Aabi, oo iyadu baryahan ugu cad cad kooxda Jwxo-shiil.

Kooxda Jwxo-shiil, kolkii ay ku fashilantay arimihii ganacsiga ee ay  ka dhexwaday dadweynaha Somalida Ethiopia, ayey si dhib yar shaadhka u rogatay.

Waxayna kooxdu baryahan ku hawl gashaa magaca Somaliweyn, iyaga oo dadka ku shukaansada in cadowga Somalidu uu yahay Ethiopia.

Laakiin, waxaa hubaal ah in maamul gabaleedyada Somaliyeed iyo dawlada ku meel gaadhka ah ee Somaliya, ay qireen in Ethiopia ay tahay saaxiibka dhabta ah ee umada Somaliyeed. Arintaas waxaa daliil u ah isbadalka ka muuqda ee ka jira degaanka Somalida Ethiopia.

Is araga kooxda Jwxo-shiil, dadka abaabulaya waxaa ka mid ah Axmed Xuseen Ducaale, oo ah ree Dhuusa-mareeb ah horena u af lagaadeeyey Madaxweynaha Dawlada Degaanka Somalida Ethiopia.

Australia ayaa ah meesha kaliya ee ayna ka jirin Jaaliyada degaanka Somalida Ethiopia, waana mida keentay in ay kooxdu doorato in ay isku aragto.

rasaasa.com