Jwxo-shiil iyo Beeshiisa oo Lacag Xoog leh ku Bixiyey TV Universal Muxuuse Kala Kulmay!

 

Lacagtii uu Jwxo-shiil galiyey TV Universal, muxuu ka faa,iiday?  Wuxuu diiday in soo hor istaago dadweynaha Somalida Ogadeeniya ee UK, wuxuuna waayey meel uu isku muujiyo in uu joogo walina sheeganayo gudoomiye aan jirin, wuxuuna lacag xoog leh si doqonimo ah u siiyey TV Universal, si uu uga hadlo  hal mar, waxaana ka raacay wadhi iyo wareer, waxaana lagu cadeeyey dilkii Dr. Dolal

Waxaa aad uga xumaaday bulsha weynta Somalida Ogadeeniya ee ku kala nool dacalada Aduunka, ka dib kolkii ay maqleen Ogeysis gaaban oo lagu waraysan Dambiile Jwxo-shiil, caawa markii ay saacadu ahayd 8:00PM fiidnim.

Waxay Jaaliyaduhu u gudbiyeen cabsho ku saabsan in aan waraysi laga qaadin Jwxo-shiil, madaama uusan u qalmin in uu soo hor fadhiisto dadweynaha guud ahaan ummada Somaliyeed, gaar ahaana Somalida Ogadeeniya, taas oo uu awoodi waayey in uu soo horfadhiisto oo uu kula kulmo hoolasha awal horeba lagu kulmi jiray.

Waxaa TV Universal loo sheegay in xubnaha Jaaliyaadka in ayna wax lacag ah ka qaadan Jwxo-shill, kolkii loo sheegay in ay joojiyaan maadaama uusan dan u ahayn ummada Somalida Ogadeeniyana way diideen. Waxay Jaaliyadu aad ula yaaban tahay xidhiidhka u dhaxayn kara Universal TV iyo Jwxo-shiil, waxaanu ogaanay in Jwxo-shiil uu bixiyey lacag dhan £3,000 si looga sii daayo waraysigan, arintaas waxaa inkiray masuuliyiinta TV-ga, waxayna diideen in ay wax lacag ah ka qaateen Jwxo-shiil, waxaa kale oo ay diideen in ay joojiyaan, labadaas arimood oo aan is qaban karin.

Hadaba, waxaanu ogaanay in TV Universal uu isagu Telephone u diro dadka uu doonayo ruuxa la waraysanayaa in ay ka qayb qaataan Barnaamijka, sidaas ayaana uu barnaamijku ugu dhamaadaa ruuxa lacagta bixiya ee ay ugu yeedhaan “hard talk”.

Waxaa amaan leh maamulka TV Universal, ka dib kolkii ay dhawr ruux u ogolaadeen in ay su,aal weydiiyaan Jwxo-shiil, su,aalihii la weydiiyey waxaa ka mid ahaa “Ma dishay Dr. Dolal” isaga oo naxsan oo aad ka garanayso wajigiisa in uu dambi galay ayuu ku jawaabay “Itobiya ayaa dishay”, waxaa la weydiiyey “maxaa tuhunka keenay” Jwxo-shiil wuxuu ku jawaabay ma garanayo waxa tuhunka keenay.

Waxayse tahay su,aasha isweydiinta leh TV Universal oo ummada dhagaysata ay u haysato sida uu sheegto in uu yahay TV madaxbanaan, ayeyna waxba arintaas ka jirin, waxaana uu faraha kula jiraa siyaasado aad u culculus oo dhabar jab ku ah guud ahaan ummada Somaliyeed, gaar ahaana Somalida Ogadeeniya.

Jwxo-shiil, oo aa aqoon wax cees ah, taas oo ay ummadu ku taqaano, ayaan si quman uga jawaabin su,aalihii ay soo jeediyeen dadku, waxaana wajigiisa ka muuqatay wareer, kolkii ugu damaysay ayaa isaga oo aan is ogayn oo doonaya in meesha ka baxsado ayuu yidhi “bas miyaa”.

Arimaha Siyaasada
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo.