Wed. May 25th, 2022

onlf waxay Tweetter ku sheegtay in ay horaanba ugu baaqday labada dhinac in wadahadal nabadeed lagu dhameeyo khilaafka, xabad lagu gaadhi karo xal waara.

onlf waxay qoraalkeedan ku sheegtay in la galo wadahadal qaran oo dhamaystiran oo ay ka wada qaybgalaan dhamaan saamileeyadu si loo gaadho xal nabadeed oo waara.

Jabhada wadaniga xoraynta Ogadeeniya nus qarni dagaal kula jirtay Itoobiya ayaa waxay heshiis nabadeed la gaadhay 2018 xukuumada Abiy Axmed.
Intii lagu jiray afartaa sanno ee ay onlf heshiiska la ahayd xukuumada Itoobiya qodobadii lagu heshiiyay hal qodob kama hirgalin, waxaana lagu hayay onlf xadhig joogta iyo kala qaybin xubnaha onlf iyo cadaadis.

onlf waxay dhawr goor soo saartay qoraal ku saabsan sida ay uga niyad jabsan tahay Abiy xukuumadiisa iyo hirgalin la,aanta qodobadii lagu heshiiyat.

By Rasaas