Jijiga Riyada Lagu Qabsaday Yay ka Gadantaa? Qalinkii Maxamed Gadhweyne

 

Sida aan la wada socono saxaafada kooxda Asmara, waxaa caado u noqotay in ay tabiso warar iyaga mooyee cid kale oo maqashay aynaj irin, isla markaana ku soo celcelceliya muuqaal kun jeer ka badan la daawaday oo lagu caajisay [Meel heblaan weeraray, intaasaana ku dillay]. Hadaba maanta bal aan dul istaagno qoraal ku soo baxay mid ka mid ah shabakadaha kooxda, oo ciwaankiisu yahay CWXO oo dagaal xirfadaysan ku qaaday gudaha magaalada Jigjiga. Bal Booqo  Beenta Hawaas

Qoralakaas waxaa lagu sheegay in habeenkii bishani ahayd 5ta 2011, dagaal culus oo jilbaha laggaga mudhxiyey uu ku dhexmaray gudaha Jigjgiga ciidamo ka tirsan “JWXO qaybta Gorgor” iyo ciidamada amniga. Warbixintu waxay intaas ku dartay in dagaalku bilowday fiidkii, shacabka magaaladuna habeenkii oo dhan xabadka dhulka ku hayeen iyaga oo ka gabanayay hubka noocyadiisa kala duwan ee la is waydaarsanayay. Ugu danbayna ciidankii JWXO ayaa si iskood ah subaxii magaalada uga baxay, ka dib markay khasaare laxaad leh u gaysteen kuwa Itoobiya.

Taariikhyahanadu waxay wariyeen in nin la oran jiray Ducaale-Qariis oo joogay dagmada Cayn ee gabalka Togdheer, si aadana uga soo hor jeeday daraawiish iyo Sayid Maxamed habeen riyooday. Ducaale waxuu ku riyooday isaga oo hooto ku ridaya kuna garaacaya xarunta Sayid Maxamed, isla markaana Sayidku fara caaradood kaga gabaday.

Markii waagu barayay ayaa Ducaale soo toosay isaga oo meel cidla ah jiifa, wuxuuna ogaaday in uu riyoonayay goobta uu joogana tahay Goldheer oo ah ceel Sanaag ku yaala, Sayidka uu riyada ku duqaynayayna ku sugan yahay Ayl oo aad uga fog. Haduu yaqiinsaday in wuxuba riyo ahaa, ayuu tix gabay ah tiriyay ay ka mid ahayd tuducadan;

Hootadaan Goldheer iyo ka riday Xanamo guudkooda
Waxay sii gag laysaba haday godobyo Ayl gaadhay
Wadaadkii sidee uga gabaday waa gol madhankiiye?

Hadalkaa hadii Daraawiish loo geeyay waxay u qaateen aflagaado ka timid nin tabari ka noqotay in uu riyo maciinsado, rag badan ayaana ka gabyay, balse aynu soo qaadano tuducdan Sayidku arintaa ka yiri oo ahaa; maxallu shaahidkayga.

Ninka yiri waxbaan gani anoo Gol iyo Cayn jooga
Ee yiri badii Garacad baan gudub u waydaarin
Godka lagu cadaabyoow maxuu go’uhu been sheegay.

Hadaba iyad aoo aan maanta waxa ka dhacaya Deegaankena la isaga sheekayn karin, maadaama oo telefoon iyo isgaadhsiini meel walba taalo, miyaan sheegashada kooxdan ee ah in ay Jigjiga ka dhex dagaalameen la mid ahayn riyadii Ducaale-Qariis uu ku riyooday isaga oo Sayidka duqaynaya?

Ruug-Cadaa igaga xeel dheer arimaha Garabka Asmara oo aanu maanta arintaa ku wada shactiraysanay ayaa yiri sidatan “ONLF Garabka Asmara, way ogyahiin in sheegashada noocan ahi ka gadmayn aniga iyo adiga iyo cid kasta oo gabalka ka soo jeeda, xaqiiqda ka jirtana og, balse waxaa jira dad aan xog ogaal ahayn oo kooxdani ku maasho dagaal ayaan gudaha ka wadnaa. Dadkaa qaarkood waxay ka soo jeedaan jamhuuriyada Soomaaliya, kuwa kale waa reer Waamo, qaar waa Sijuu, kuwa kale waa da’ yar aan dhulkiiba arag halka ay jiraan hooyooyin qaaraanka laggaga qaado marka la xoreeyo Ogadeeniya ayaa lacagta laggugu soo sawiri doonaa.”

Maxamed Gadhwayne
Maraacaato_33@hotmail.com

rasaasa.com