Jijiga oo Xalay Dad Lagu Tooriyeey

 

Jijiga, May 15, 2012 [ras] – Wararka ka imanaya Jijiga ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa ilaa manta magaalada Jijiga lagu tooriyeyey dhawr ruux.
Warku wuxuu sheegay in hal ruux oo ka mid ah dadka la dhaawacay uu u dhintay gawrac luqunta ah. Ma jiraan wali wax loo qabtay fal dambiyeedyadan isdaba jooga uga dhacay magaalada 24 saac ee u dambeeyey.
Dadka la dhaawacay ayaa ahaa dad rayad ah oo ka mid ah dadka magaalada degan, dhaawacyada ayaa si isku mid ah u dhacay, laakiin wuxuu ka dhacay meelo kala duwan oo magaalada ah.
Booliska degmada Jijiga ayaa baadhitaano ka wada magaalada, walina ma jiraan cid loo qabtay fal dambiyeedkan, waxaana aad loogu malaynayaa in ay ka dambeeyaan dhalinyaro aan ujeedo fog lahayn, balse shaqo la,aan ah.

Rasaasa.com