Jijiga oo Guryaha Habeen Walba la Baadho

 

Liyu-Police1Jijiga, June 10, 2014 – Cidhiidh xoogan iyo cabsi habeen ayaa soo foodsaartya dadwaynaha magaalada Jijiga, ka dib markii ay Liyuu Boolisku todobaadkan ka bilaabeen mir habeen.

Guud ahaan amaanga iyo dhaqdhaqaaqa dadka ee magaalada Jijiga, ayaa la adkeeyey waxaana la dhigay luuq kasta ciidamo hubaysan.

Amaro lagu xadidayo dhaqdhaqaaqa dadka ayaa lagu soo rogay magaalada, tobanka habeenimo wixii ka dambeeya cidii la helo iyada oo socota waa la xidhi, sida uu sheegay taliyaha ciidanka Liyuu Booliska Cabdiraxmaan labo go,ole.

Magaalada waxaa la xidhi jiray tobanka habeenimo, hadase waxaa soo kordhay in la qabanyo dadka socda saacad alaafiga.

Cabsidan kali ku aha magaalada Jijiga, laakiin guud ahaan Atobiya, waxaana laga cabsi qabaa in ay ka dhacaan qaraxyo gaysta khasaare.

Wararka laga helayo Jijiga ayaa sheegay in labadii habeen ee u dambeeyey dad badan la xidh xidhay.

Dhinaca kale waxaa la adkeeyey guud ahaan xadka Atobiya ay la wadaagto dalka Somaliya.