Jijiga: Miisaaniyada Kilalka 2014/15-ka oo la Qiyaasay US$320,000,000

 

105005999-map-theJijiga, July 17, 2014 – Fadhi deg dega oo labo maalmood ay lahaayeen xildhibaanada maamulka Kilalku, waxay ku ansixiyeen miisaaniyada sanadka 2014/15 oo gaadhaysay Birr 6.4 bilyan [$355,555,555.56].

Misaaniyada maamulka Kilalka sanadka 2014/15 , ayaa noqonaysa laban laabka miisaaniyada sanadkii 2013/14, taas oo ahayd Birr 3,562,450,000 bilyan [$197,913,888.89].

Koradhka miisaaniyada maamulka Kilalka 2013/14 iyo 2014/15 ayaa ah Birr2,837,550,000 [$157,641,666.67], korodh boqolkiiba sideetan 80%. Wali lama hayo aduunka dal ama gabal ay miisaaniyadiisu korodho laban laab.

Miisaaniyada dawlada dhexe sanadka 2014/15 ayaa ah US$9 bilyan meesha sanadkii hore 2013/14 ay ka ahayd US$8.5 bilyan.

Koradhka miisaaniyada dawlada dhexe sanadka 2013/14 iyo 2014/15 ayaa ah $500,000,000 taas oo korodhay boqolkiiba lix iyo rubuc 6.25%.

Miisaaniyada guud ee Atoobiya sanadkan oo ah US$9.1milyan ayuu maamulka Kilalku qayb ahaan ka helay US$3.2milyan, taas oo ah [US$3.2÷9.1×100 = US$3.56%] miisaaniyada ugu yar ee Kilal helo.

Warbixin uu daabacay maamulku, waxay sheegtay in la rajaynayo lacag kaalmo ah oo dhan Birr 1.79 bilyan, oo ka imanaysa Hayyadaha samafalka, kuwaas oo sanad walba fuliya mashaariicda ugu badan.

Hayaddaha lacagta laga sugayo waxaa ka mid ah;
1. World Bank oo marinaysa [pcdp] Birr300,000,000
2. WHO [Hygiene Programme- wash] Birr400,000,000
3.UNESCO-JEQUIP/-kobcinta waxbarashada Birr150,000,000
4.African Development Fund [ADF] Birr580,000,000
5. UN- NGO -Agencies Birr210,000,000
6. UN Urban-productive safety net programm [PSNP]  Birr150,000,000

Maamulka Kilalku ma faafaahin ilaha ay ka soo xaroonayso lacagta miisaaniyada ee ay xildhibaanadu ansixiyeen iyo waliba waxa lagu qaban doono.