Jijiga: Madxwaynihii Degaanka Axmaarada oo Jujuub Laggaga Qaaday Jagadiisii

 

Ayalew GobezeMadaxwaynaha uu cilaaqtanku mudada dheer ka dhaxeeyey hogaaminta ururka TPLF, oo ugu dambayntii la dhaafiyey jagadii uu mudada dheer ka hayey Degaanka Axmaarada.

Madaxwayne Ayalew Gobezie, waxaa haatan badalaya ku xigeenkiisii 2aad oo la yidhaahdo Gedu Andargatchew. Mar uu ka hadlayey Television-ka Ethiopia dhamaadkii sanadkii hore ayuu Ayalew Gobezie yidhi “sahal iyo rabitaankay midna kuma tagayo.” Ugu dambayn waxaa lagu qanciyey safiirka Atoobiya u joogi doona dalka Turkiga. Madaxwayne Ayalew Gobezie, waxaa uu khilaaf dheer ka dhaxeeyey masuuliyiinta ururka TPLF, ee ubucda u ah xisbiga talada haya ee EPRDF, kuwaas oo ka mid ahaa Raysal-wasaarihii dhintay ee Atoobiya Meles Zenawi. 2010-kii, xili uu Meles Zenawi oo shir la qaatay madaxwayneyaasha Axmaarada ayuu jaari adag dhex maray, xiligaas oo looga yeedhay Addis Abab, mudo gaabana lagu xidhay, ka hore inta uuna ku laaban Baxar Daar.

Gobezie Ayalew waxaa uu gacantiisa ku samaytay cadow badan, ka dib kolkii uu kuli ka dhigay la taliyeyaashiisa xisbigiisa ANDM (oo ka mida dalada EPRDF). Dadkaas oo ay isku feker yihiin sida ninka odayga ah ee Debre Marcos oo reer Goojaam ah. Waxaa kale oo ay Gobezie Ayalew madaxa isla galeen Raysal-wasaare xigeenka 1aad Demeke Mekonen Hassan oo ay isku xisbi yihiin. Kaas oo la rumaysan yahay in uu ka dambeeyo erigiisa, isaga oo la kaashaday Raysal-wasaare xigeenka 2aad ee awooda badan oo ah TPLF Debretsion Gebremichael.