Jijiga: Macaamiisha Ugu Akhriska Badan RasaasaNews

 

images (4)Iyada oo bogga rasaasa uu ka mid yahay boggaga internet-ka ee ka xidhan Itoobiya, ayaa hadana akhristayaasha ugu badan waxay ka soo galaan degmada Jijiga, ee Ismaamulka Somalida Itoobiya [ISI].

Degaanka Somalida ruuxii lagu arko isga oo daawanaya boggaga internet-ka ee xidhan, waxaa uu mutaysan ciqaab xadhig ah, isaga oo si toos ah maxkamad la,aan loo gayn Uubta Jeel Ogaden.

Hadaba, waxaa iswaydiin leh wa ayo dadkan faraha badan ee akhrista boggaga Internet-ka ee dadwaynaha laga xidhay sidayse ku galaan?

Baadhid dheer waxaa la cadeeyey in dadka ugu badan ee gala boggaga Internet-ka ee mamnuuca ka ah degaanka, in ay yihiin masuuliyiinta Ismaamulka Somalida Itoobiya [ISI].

Waxayna ku galaan wax la yidhaahdo Fur bogga xidhan [Unblock website]. Bogaas oo loogu talo galay in uu furo boggaga Internet-ka ee ay xidhaan xukuumadaha cabudhiska ku dhisan ee qarinaya dhibaatada ay ku hayaan dadkooda.

Waxaanu cadaynay in macaamiisha ugu galista badan RasaasaNews, in uu yahay macmiilka haysta Ethiopian telecommunication corporation [waa isgaadhsiinta kaliya ee ka jirta Atoobiya], Telephone noociisu yahay Nokia x2-02 smartphone dimension 240×298, Flash IPs xxx.xx.xx.xxx.

Taas oo macnaheedu tahay in taageerayaasha ugu badan ee boggaga Internet-ka mamnuuca ka ah Ismaamulka Somalida Itoobiya [ISI] ay joogaan Jijiga kuwaas oo ah masuuliyiinta. Taas oo muujinaysa taageerada ay u hayaan websites-ka ka hadla danaha dadwaynaha.