Jijiga: Arday ku dhimatay Jaamacada Haramaya

 

imagesJijiga, Feb 01, 2014 – War hor dhac ah oo naga soo gaadhay magaalada Harar, ayaa sheegay in galabta ay ku dhinteen Jaamacada Haramaya 5 ka mid ah ardayda Jaamacada.

Khilaaf dhex maray ardayda iyo maamulka Jaamacada, ayaa loo aanaynayaa in uu sababay dhimashada. Khilaaf ayaa socday maamlo, kaas oo ay ardaydu kaga cabanayeen nolosha iyo waxbarashada.

Ardayda dhimatay ayaa caafimaad qabay, kana qadeeyey maanta Jaamacad. Sida ay wararku sheegayaan waxaa loo malaynayaa in la sumeeyey 5 arday ee dhimatay.

Wali lama cadayn qoomiyada ay ka soo jeedaan ardayda dhimatay.