Jijiga: 48 Degmo Ayaa Isgaadhsiin ka leh, 68 Degmo ee ISI – Ogaden

 

1185556_437485783043894_1489634688_nMagaalada Jijiga, ayaa maanta aad looga hadal hayaa in labo degmo oo ka mid ah gabalka Doolo, loo siidaayey isgaadhsiinta telefoonka gacanta.

Degmooyinka Telefoonka gacanta loo siidaayey maanta ayaa kala ah; Bookh iyo Galaadi, oo labaduba ku yaal gabalka Doolo ee Ismaamulka Somalida Itoobiya [ISI-Ogaden].

Gabalka Doolo oo ka mid ah gabalada aadka uga durugsan Jijiga, xarunta Ismaamulka Somalida Itoobiya [ISI], ayaa markii ugu horaysay muddada 60-ka sano ah ee ay Atoobiya gacanta ku hayso heshay isgaadhsiin lagu hadlo. Isgaadhsiintan ayay suuro galisay saldhiga war laliska ee dhawaan laga taagay tuulada Galadiid ee gabalka Qoraxeey.

Isgaadhsiinta kaliya ee laga isticmaalo gabalada ka fog fog xarunta Jijiga, ayaa ah Telefoonka gacanta, kaas oo aan la isku halayn karin inta badana hawada ka maqnaada.

Gabalka Doolo, ayaan isagu lahayn wax Jidad ah laami iyo cara cad midna oo isku xidha isaga iyo gabalada la dariska ah ee Ismaamulka Somalida Itoobiya [ISI].